Duullaanka Ruushku wuxuu keenay Masiibo dulsaaran Masiibo kale. QM

0
499

Madaxa hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii ka digay in dagaalka ka socda Ukraine uu abuuray waxa uu ugu yeedhay “masiibo dul saaran masiibo kale “, taas oo uu sheegay in ay iman doonto saamayn caalami ah, oo la mid ah tii dagaalkii labaad ee Adduunka.

David Beasley, oo ah madax cuntada ee barnaamijka Qaramada midoobay ayaa sababta raashinka adduunku u qaaliyoobay ku sheegay inay tahay in beeraleydii Ukraine oo soo saari jiray inta badan wax soo saarka beeraha ay hadda dagaal kula jiraan Ruushka, wuxuuna u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dagaalka ka hor qiimaha cunnada uu sare u kacay.

 

Beasley waxa uu sheegay in Barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay ay quudinaysay 125 milyan oo qof oo dunida dacalladeeda ah ka hor intii aanu Ruushku duullaan ku qaadin Ukraine 24-kii February, waxaana Beasley uu sheegay in hadda Qaramada Midoobay ay ku qasbanaatay in ay jarto cuntada ay bixiso sababo la xidhiidha kor u kaca kharashka cuntada, shidaalka iyo maraakiibta.

Waxa uu tilmaamay in Yemen oo ay dagaalladu aafeeyeen in cuntada laga jaray boqolkiiba 50% iyada oo la quudin jiray 8 milyan oo qof, wuxuuna intaas ku daray in Yemen keydkooda raashinka uu sagxadda ku dhow yahay.

Beasley wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Ukraine uu u beddelayo soo saaridii cuntada ee adduunka waxaana isbedelaya cuntooyinkii ay ku tiisanaayeen Malaayiin qof, iyada oo dagaalkan uu durba burburiyay waddamo ay ka mid yihiin Masar oo 85% qamadiga ka heli jirtay Ukraine iyo Lubnaan oo iyana ha heli jirtay 81%.

Ukraine iyo Ruushka ayaa soo saara boqolkiiba 30% sarreenka adduunka iyo 20% galleydeeda, iyada oo Hay’adda Cunnada Adduunka ay 50% galleyda ka iibsato Ukraine, sida uu sheegay David Beasley.

Leave a Reply