“Ururkani waxa uu beegsanayaa wado cad oo ah inuu qabto Hoggaanka dalka”Cabdirisaaq Ataash

0
670

Hargeysa (Dawan) Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ah aasaasaha Urur-siyaasaddeedkan, ayaa ka hadlay ujeeddooyinka waa weyn ee ku kalifay inuu sameeyo urur-siyaasaddeedka Waaberi

Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), oo ahaa wasiirkii wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland oo maanta kaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, urur-siyaasaddeed cusub oo lagu Waaberi.

Ataash oo ah aasaasaha Urur-siyaasaddeedkan, ayaa ka hadlay ujeeddooyinka waaweyn ee ku kalifay inuu sameeyo urur-siyaasaddeedka Waaberi iyo qorshaha muddada fog ee ay ka leeyihiin. “Ururkan Waaberi in aanu aasaasno waxaa nagu kalifay waa dareen waddaniyeed oo muddo soo taagnaa oo ahaa Somaliland qabyaalad iyo kala qobqob ka guurta” Ayuu yidhi Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo ka hadlayey xafladdii lagaga dhawaaqayey Ururka Waaberi.

Mudane Ataash, waxa uu ka dhawaajiyey in ay muhiimad gaar ah siis doonaan sidii talada ururkooda qayb libaax leh uga qorin lahaayeen dhalinyarada iyo haweenku.

Waxaanu yidhi.“Waxa uu doonayaa ururku in taladii uu gacanta u geliyo dhalinyarada iyo haweenka waxbartay ee reer Somaliland. Goleyaasha Ururka waxa aanu doonaynaa in ay hoggaaminayaan dhalinyarro isugu jirta rag iyo haween mutacalimiin ah”

Guddoomiyaha Ururka Waaberi, waxa kale oo uu sheegay in qorshaha Urur-siyaasaddeedkooda ay ka mid tahay sidii Qabyaalad iyo kala qoqobka looga guuri lahaa “Mab’da Ururka Waaberi waa Qabyaalad ka guur ayuu ku dhisan yahay, in dadka leh ururkani waxay oo ku midoobay dad fikir wadaag ah oo waddaniyada iyo Somaliland ku midaysan.Ururkani waxa uu beegsanayaa wado cad oo ah inuu qabto Hoggaanka dalka.

Waxaan odhan lahaa dhammaanteen waxa ina deeqa caddaalad iyo dawladnimo. Qabyaalad iyo kala qobqob inama deeqdo”Ayuu yidhi Guddoomiye Ataaash

Leave a Reply