“Hargaysa waynu dhisaynaa, iyadoo dhulka lala simay ayaynu dhisnay”Madaxweynaha Somaliland.

0
300

Hargeysa (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka warbixiyay dabka galaaftay suuqii Somaliland ugu waynaa ee Waaheen, ayaa sheegay in marka laga yimaado burburka hantiyeed aanay jirin cid dabka ku dhimatay, isla markaana dad ka dhaawacmay ay yihiin 28 qof.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay u badan yihiin dadkii suuqa hantida kulahaa, oo dabku soo gaadhay, qaarkoodna dabku neef qabateeyay xili ay isku dayayeen in ay bad baadiyaan wixii ay ka gaadhaan hantidooda.

Waxaanu yidhi.”28 qof ayaa ku dhaawacmay 9 ayaa dumar ah, waa dadkii gurmadka ahaa ee hantidoodu ku jirtay, ee ama finiinka dabku soo gaadhay ama neef qabatoobay, iyo hal qof oo bahal hoose qaniinay, oo dooxa soo marayay” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu magacaabay guddi ka shaqayn doonta kasoo kabashada masiibada “Guddida la magacaabay ee sheekhu hogaaminayo, iyo cidii kale ee lagu soo dari doono waxay galaysa gurmad aad ah, xukuumaduna waxay usoo daynaysa hal-milyan oo dollar”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hargaysa dib loo dhisi doono, sidii dagaalkii kadiba loo dhisay “Hargaysa waynu dhisaynaa, waynu dhisanaynaa, iyada oo aan saqaf lahayn oo dhulka lala simay ayaynu dhisnay, ka war wari maayo in aynu dhisayno”.

 

 

Leave a Reply