Qiimaynta hordhaca ah ee hantidii ku burburtay suuqa Waaheen  oo lasoo bandhigay

0
710

Hargeysa (Dawan)  Guddida uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, u xil saaray tirakoobka hantida lagu waayay dabkii burburiyay suuqa Hargaysa, iyo hoggaaminta dadaalada dib loogu dhisayo suuqa, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qiimaynta hordhaca ahi sheegayso in ay burburtay hanti dhan 1.5 ilaa 2 bilyan oo dollar.

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, oo kamid ah guddida, ayaa warbaahinta u akhriyay qiimaynta hor dhac ah ee khasaaraha uu sababay dabka halakeeyay suuqii Somaliland ugu weynaa ee Waaheen.

Waxaanu yidhi.”Sida ay sheegtay xog ururin hor dhac ah, dhibkii iyo khasaarihii ay sababtay masiibadii halkan ka dhacday, waxaa lagu qiimeeyay in ay u dhaxayso hal-bilyan iyo badh ilaa laba-bilyan oo dollar.

Waana qiimayn hordhaca weeyi, guddida heer Qaran ee taakulaynta waxa ay isla maantaba magacowday guddi hoosaad ka kooban ganacsatada, iyo culimada, Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay magacyadooda soo sheegi doonaan rugta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland.”

Duqa caasimada ayaa sheegay in dhaqaale ururin loo samayn doono dadkii hantidoodu ku burburtay dabka socday mudada ku dhaw sodonka saacadood, wuxuuna warbaahinta u akhriyay akoono uu sheegay in lagu soo hagaajin doono wixii taakulo ah ee ay bixinayaan beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed.

Guddida ayaa sheegtay in xalay fiidkii lagu guulaystay in la bakhtiiyo dabka, wali ciidamada dab damiska ayaa gaadh kahaya suuqa gubtay iyaga oo ka cabsi qaba in uu markale qarxi karo.

“ILLAAHEY waxaan ka baryayaa bisha barakaysan, ee aynu la kowsanay in danbi dhaaf, iyo risiq hore leh in ILLAAHEY dhammaanteen ina siiyo.

Waxa xaaladan oo kale waajib ah in aynu ka gurmano, xukuumad iyo shacaba, waxaanu madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay gurmadkii ugu horreeyay, oo u fidiyay aafadan Qaran ee innagu timid”Ayuu yidhi wasiirka diinta Sheekh Albani.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, mudane Jaamal Caydiid Ibraahim, ayaa warbaahinta la wadaagay qorshihii iyaga iyo madaxweynuhu isla qaateen waxaanu yidhi.“Waxa aanu u diyaar garownay oo madaxweynaha iyo anagu aanu isla soo garanay, in hawshaasi si mug leh looga qayb galo, oo aan manta waxba lagala hadhin dadkeena masiibadaasi ku timid, oo dhab ahaantii mid aad u baaxad weyna,”

 

Leave a Reply