Koomishanka Maamul wanaaga oo sameynaya madal madaxda iyo masuuliyiinta dawladda lagu barayo hannaanka maamul wanaaga.

0
545

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha koomishanka maamul wanaaga, mudane Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi  ayaa sheegay  in hadda ay wadaan qorshe la doonayo in masuuliyiinta hay’addaha dawladda iyo bulshada lagu barayo casharo la xidhiidha hannaanka maamul wanaaga iyaga oo kaashanaya hay’addaha ay wada xidhiidhka leeyihiin, isla markaana aqoontan si joogta ah looga helayo bartooda mareegta ee Komishanka maamul wanaaga.

Sidoo kale waxa uu xusay in weli uu socdo kormeer ay ku tagayeen xarumaha hay’addaha dawladda, oo caddeeyay in qaybtoodii koobaad ay soo afmeerayaan tobanka hore ee bisha barakaysan ee Ramadaan

Waxaanu sidan ka sheegay mar uu shalay hortagay   guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland, waxaana xarunta golaha guurtida Somaliland ku soo dhaweeyay guddoomiyaha guddidaasi mudane Dayib Xasan Axmed, isla markaana uga mahad celiyay sida uu u soo ajiibay yeedhmadii ay u yeedheen.

Guddoomiye Libaan waxa uu yidhi “Waxa aanu wadna si aqoonta maamul wanaaga maadama uu yahay mabda innagu cusub inaga xaggeena, iyo dunida saddexaadba uu yahay, aqoontiisana dadku in si badan u bartaan ay u baahan tahay in aanu abuurno madal shaqaalaha dawladda iyo masuuliyiintuba ay ku baran karaan casharo diyaarsan oo la xidhiidha maamul wanaaga.

Kaas oo aanu doonayno casharadaasi oo maqal ah in aanu soo galino mareegta komishanka maamul wanaaga Somaliland.”

“Hay’addaha iyo wasaaraddaha adeega bixiya oo 20 ah in aanu qiimayno ayaanu bilownay, anaga oo ka eegayna qaybta adeeg bixintoodu waa nooce, maxaa ka qaybyo ah, sidee ayay u wada shaqeeyaan iyaga laftoodu, sidee ayay uga jawaaban baahida muwaadiniinta”Ayuu intaas raaciyay guddoomiye Liibaan.

 

Leave a Reply