Wafti ka socda dowlada Jabuuti oo soo gaadhay Somaliland

0
408

Hargeysa (Dawan) – Wafti ka socda dowlada Jabuuti oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Siciid Nuux, oo safar ku yimid Hargeysa, ayaa booqday suuqa Waaheen ee dabku burburiyay.

Waftiga ayaa Hargaysa u yimid si ay shacbiga Somaliland ugu muujiyaan dareen walaalnimo iyo garab istaag wakhtigan adag, iyaga oo sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan taakulaynta dadkii ku hanti beelay dabka burburiyay suuqa Waaheen.

Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti mudane Siciid Nuux, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Si gaara ayay noo taabatay markii aanu halkan nimid iyo intii aanu soo soconayba, intii dowlad-nimo, intii walaalnimo iyo intii xigto ee baayacmushtarka ka dhaxaysayna, intaba diyaar ayaanu u nahay”

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti Yusuf Muuse Dawaale oo isna kamid ahaa xubnaha waftiga ayaa sheegay in khasaaraha uu indhihiisa ku arkay uu aad u balaadhan yahay, wuxuuna xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyey isku duubnida ay muujiyeen ee ay ku xakameeyeen dabka.

Waxaanu yidhi.”Marka laga sheekaynayo iyo marka la arko isku mid maaha, waxaan arkaynaa in dab aad u balaadhan iyo khasaaro balaadhani meeshaa ka dhacay, waxaanan rajaynayaa in dadkii ALLE ka gar gaaro, idinkana aanu idin hambalyayno oo aanu idin nidhaahno sidan aad samayseen waa si fiican, waxaanu u nimid in aan tusno in dadwaynaha in ay walaal leeyihiin oo reer Jabuuti ah”

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Mayorka Caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa waftiga iyo dowlada Jabuuti uga mahadceliyay garab istaaga ay muujiyeen.

“Bulshadu waxa ay u diyaar garowday Ramadaan iyo Ciidi, madaxweynaha, ciidamada iyo bulshada, ilaa golaha wasiiraddayadu halkan ayaanu wada joognay, Qaranimo ayaa marka maalintii halkan ka hirgashay, dadaalkii ugu badnaa ayaa la dadaalay”Ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in weftiga waxa ay u geeyeen goobta dabku baabi’iyay ay ahayd sidii ay indhahooda ugu arki lahaayeen waxa meesha ka dhacay.“Boqashadiinu waxa ay noo tahay walaaltinimo, walaaluhuna xilliyada adag way is garab istaagan oo gacan ayay isa siiyaan, marka hadalkii madaxweynaha Jabuutina shalay wuu na soo gaadhay, labada madaxweynena waa kuwii wada hadlay, weftigan naloo soo dirayna waxa uu nooga dhigan yahay walaalnimo iyo garab istaag.

Marka marka u horraysa wasiir aad iyo aad ayaanu idiinku mahad naqayna, mar labaadka waxa aanu gudaha idiin soo galinay in aad u aragtan meeshan waxa ka dhacay”

Leave a Reply