Warbaahinta Dunidu Maxay ka Tidhi Dabkii Waxyeeleeyey Suuqa Hargeysa

0
498

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta adduunka ayaa shalay si weyn u baahiyey khasaarihii ka dhashay dabkii habeen hore khasaaraha weyn u geystay suuqa Waaheen ee caasimadda Hargeysa.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa Wargeyska The Guardian, oo sheegay in dabkii ugu weynaa ee khasaare u geysta Jamhuuriyadda Somaliland uu waxyeeleeyey habeen hore suuqa Waaheen.

Wargeysku wuxuu soo xigtay Maayarka Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, oo sheegay in aanu weligii arag dab la mid ah ka suuqa Waaheen baabiiyey.

Waxaanu Maayarku tilmaamay in awooda la iskugu geeyey dawlad iyo shacaba sidii loo xakameyn lahaa fiditaanka dabka oo uu xusay inuu si xawli ah u fidayey.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa warsidaha u sheegay in Boqolkiiba Afartan illaa Konton dhaqaalaha Caasimadda Hargeysa uu suuqaas yaallay.

Wargeyska The Guardian, wuxuu sheegay in suuqaas ay ku yaalleen ilaa 2000 oo meheradood oo waaweyn, isla markaana uu dabkaasi dhaawacyo ka soo gaadheen 28 qof.

Waxa kaloo wax ka qoray shalay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen warsidaha Wakaaladda AFP, Africanews iyo TRT World.com

Leave a Reply