Fadliga Iyo Dheeraadka Bisha Ramdaan.

0
809

Soonka bisha Ramadaan oo ka mid tiirarka Islaamka waxa ay leedahay fadli wayn iyo khaayraad ballaadhan. Rasuulka Allah (scw) waxa uu xadiis ku yidhi “ Markay bisha Ramadaan soo gasho waxa la furaa albaabada Janada, kuwa Naarta waa la xidhaa, Shaydaanka waa la xabisaa”.  ( Mutafiq)

Saxaabiga Abu Hureera (Rc) waxa uu Rasuulka Allah (scw) ka soo wariyay xadiiskan  “Qofka sooma Bisha Ramadaan isagoo rumaysan (muumin ah) Allah wanaag ka rajaynaya waxa laga dhaafaa denbiyadiisa hore”. (Mutafiq).

Rasuulka Allah (scw) waxa laga soo wariyay isagoo la hadlaya dadka sooman xadiiskan “Malaa’igtu Allah (sw) ayay danbi dhaaf u waydiiyaan kuwa sooman ilaa inta ay gaadhayso wakhtiga afurka”

Arrimaha u gaarka Bishan Ramadaan waxa ka mid ah fadliga sadaqada Ramadaanta waxana uu yidhi nabigu (csw) “Sadaqada waxa ugu fadliga badan ta bisha Ramadaan la bixiyo”. Rasuulka Allah (scw) wuxu ahaa mid gacantiisu furan tahay  welibana wuxu aad wax u bixin jirin bisha Ramadaan.

Leave a Reply