Biden oo Aqalka cad ku qaban doona xaflada arooska Inanta uu awowga u yahay

0
648

Madaxweyne Joe Biden iyo marwada koowaad ayaa Aqalka Cad ku martigelin doona xaflad aroos naadir ah oo loogu talagalay inantooda, ay awowga/ayeeyada u yihiin ee Naomi Biden.

Gabadhan oo ah, 28 jir, iyo ninkeeda, Peter Neal, 24 jir ah, ayaa ku dabaaldegi doona goobta ugu mudan Maraykanka ee aqalka cad. Naomi Biden waxa dhalay Hunter Biden oo ka mid ah wiilasha Joe Biden. Aroosku wuxuu dhacayaa 19 bisha November 2022.

Afar xafladood oo kale oo meher ayaa lagu qabtay guriga madaxtooyada. Gabadhanina waxay noqonaysaa qofkii shanaad.

sanadkii 2008, Jenna Bush Hager, oo ah inanta madaxweynihii hore ee George W Bush, ayaa arooskeeda lagu qabtay Aqalka cad. Arooskii ugu horreeyay ee Aqalka Cad waxa uu ahaa sanadkii 1812 – oo u dhexeeya gabadh ay walaalo ahaayeen Marwada Koowaad ee madaxweynihi Madison – badi aroosyada qoyska Aqalka cad ayaa ku lug lahaa.

Meherkii Nellie Grant, oo ahayd gabadhii Madaxweyne Ulysses S Grant, ee bishii March1874, ayaa loo arkay dhacdadii ugu faahfaahsanayd ee abid lagu qabto Aqalka Cad wakhtigaas.

Arooskii ugu dambeeyay ee Aqalka Cad wuxuu ahaa sanadkii 2013, wuxuu ahaa aroos aan xidhiidh la lahayn qoyska madaxtooyada. Pete Souza, oo ahaa sawir qaade ka ahaa Aqalka Cad xilligii Madaxweyne Barack Obama, ayaa ku guursaday gacalisadiisa Pattie Lease beerta Rose.

Leave a Reply