Maxay Soomaalidu Uga Faanaan Cunista Kalluunka?

0
403

Khayraadka uu Alle ugu deeqay ummadda Somaliland maaha mid qormo keliya lagu soo koobi karo, waxaynu odhan karnaa Somaliland waxay nasiib u heshay khayraadka dabiiciga ee bad iyo berriba leh.
Dhinaca kalena Somaliland wuxuu Alle ugu deeqay Xeeb dheer, waxayna ka mid tahay dalalka bariga Afrika ugu xeebta dheer, balse waxa jira inaanay bulshadu aqoon xeel-dheer u lahayn inay ka faa’iidaystaan khayraadkaas, isla markaana waxa aad u yar khibradda kalluumaysi ee ay dadku u leeyihiin wax kala soo baxa badda.
Sida aan hore u sheegnay reer Somaliland wax soo saarkeeda dhinaca kalluumaysigu aad buu u yar, waxaanay inta badan xoogga saaraan xoolaha nool, sida adhiga, geella iyo lo’da, iyadoo markii la qiimeeyay uu khayraadka badda ku jiraan yahay mid aad u badan, marka loo eego khayraadka bariga ee dabiiciga ah.
Dadka reer Somaliland intooda badan ayaan cunin kalluunka, isla markaana waxay ku faanaan hilibka xoolaha sida adhiga iyo geela.
Dadka qaarkood ayaa ka xanaaqa soo hadal qaadka kelmada kalluun, taasoo ay keentay dhibaato ka qabsatay cunistiisa ama uu u soo joogay qof ay dhibaato ka qabsatay isagoo cunaya ama isticmaalaya kalluunka, sida la wada ogyahay kalluunka ayaa leh lafo dhuudhuuban kuwaasoo khatar ku ah qofka marka uu u cunayo haddaanu iska ilaalin, isla markaana si taxadar leh u cunin,
Ruuxa Joogeeya isticmaalka kalluunka ayaa ah mid muuqaalkiisu in badan ka duwan yahay, qofka aan isagu cunin waxayna Culumadu wax ka sheegta faafiyeen in kalluunku leeyahay faa’iidooyin fara badan, kuwaasoo ku xusan in uu da’da la dagaalamo.
Lamaaneyaal fara badan oo qiimeyn lagu sameeyey ayaa la sheegay in kalluunkufaa’iido badan uleeyahay weliba marka Saliidda lagu shiilo , Caafimaad ahaan qofka joogteeya isticmaalkiisa waa mid ka maskax furan.
Maadooyin fara badan, isla markaana la xadhiidha Caqliga iyo xusuusta ayaa laga helaa kalluunka sidoo kalena waxa uu in badan la dagaalamaa gabawga, isagoo qofka ka dhiga mid aad u yar.
Haddaba Cunooyinka SEA FOOD loo yaqaan waa kuwa intooda badan aan la dhadhan ahayn cunooyinka kale , Maadooyin aad loo jecelyahay ayaana ku jira.

Leave a Reply