Sheekh Israar Axmed: Maxaa YouTube looga saaray khudbadihiisa

0
658

Shirkadda YouTube ayaa xidhay cinwaan uu ku lahaa Sheekh geeriyooday oo lahu magacaabo Dr Israar Axmed, una dhashay dalka Pakistan.

Cinwaanka oo ay ku xidhnaayeen 2.9 milyan oo qof ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan muxaadarooyin Yuhuud naceyb ah.

Ururka Tanzeem-e-Islami oo uu asaasay Sheekh Israar ayaa shirkadda YouTube ku eedeeyay inay ku kacday Islaam naceyb kadib markii ay xidhay cinwaankaas.

Sheekh Israar ayaa sanadkii 2010 ku geeriyooday magaalada Lahore isaga oo jiray 77 sano. Waxa uu caan ku hayay khudbooyinka uu uga hadlo Quraanka, gaar ahaan taxanaha uu u bixiyay “Bayan-ul-Quran.”

Waxaa sidoo kale uu ku baaqi jiray in la soo celiyo Khilaafadii Islaamiga ahayd iyo midnimadii umada Muslimka.

Khaalid Xasan oo mar u shaqeyn jiray YouTube ayaa u sheegay wargeyska Jewish Chronicle inuu marar badan ka digay “khatarta ay leeyihiin khudbooyinka Sheekh Israar” oo ku tilmaamay Yuhuudda dad habaaran oo doonaya inay burburiyaan Islaamka.

Wargeyska ayaa sheegay in Malik Faisal Akram oo bishii January afar qof ku afduubtay gudaha macbad ay Yuhuudda ku leedahay Texas uu daawaday khudbooyinka Sheekh Israar.

YouTube ayaa Jimcihii shaacisay inay xidhay laba cinwaan oo uu leeyahay wadaadkaas geeriyooday “maadaama ay jebiyeen xeerka shirkadda u yaalla ee ka dhanka ah naceybka”.

Shirkadda ayaa sidoo kale hawada ka saartay cinwaan uu leeyahay caalimka Masar u dhashay ee Wajdi Ghunaym oo ku baaqay in dadkii garabka siiyay xooggaga NATO ee Afghanistan ay mudan yihiin ciqaab.

Tallaabada ay YouTube ku xidhay cinwaanka wadaadka geeriyooday ee Sheekh Israar ayaa waxaa ka falceliyay Muslimiin badan oo shirkaddaas ku eedeeyay Islaam naceyb. Waxaa kamid ah:

Taariikha Sheekh Israar

26-kii April 1932 ayuu ku dhashay gobolka Haryana ee ku yaalla Hindiya.

Israar Axmed ayaa isaga oo arday ah ku biiray xarakada Jamaat-e-Islami. Isagoo da’ yar ayuu go’aansaday inuu noqdo caalim diini.

Waxbarashadiisii koobaad ee jaamacadda waxa uu sanadkii 1954 kaga baxay King Edward Medical College ee magaalada Lahore, kadibna shahaadada mastarka ee culuunta Islaamka ayuu ka qaatay jaamacadda Karachi sanadkii 1965.

Markii ay xarakada Jamaat-e-Islami ku biirtay siyaasadda Pakistan, waxaa la sheegay in Sheekh Israar uu ka baxay oo uu sheegay inay ka weecatay ujeedkii loo sameeyay.

Sanadkii 1978 ayuu billaabay in telefishinnada Pakistan uu ka baahiyo khudbaddihiisa, waxaana markii dambe uu u wareegay Quran TV.

Waxa uu asaasay ururka Tanzeem-e-Islami inkastoo uu hogaankiisa wareejiyay sanadkii 2002. Sanadkii 2010 ayuu geeriyooday.

Leave a Reply