Wasaaradda Beeraha oo Gobollada Dalka u kala Dirtay Abuur ku filan 10 Kun oo beeralay ah

0
418

Hargeysa (Dawan)  Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, ayaa guud ahaan gobollada dalka u kala dirtay siidh ama abuur lagu caawinayo beeralayda dalka, kaas oo ah midhihii ka soo go’ay banka Wajaale, isla markaana loogu talo galay in uu ku filaado toban kun oo qoys.

Wasiirka wasaaradda beeraha Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, ayaa ku sheegay sababta ay xilligan ugu soo   beegeen qaybinta Siidhku tahay in beeralaydu ay uga faa’idaystaan xilli roobaadka Gu’ga.

Maareeyaha mashruuca banka Wajaale ee wasaaradda beeraha  Eng. Mawliid Xasan Cabdi, ayaa sheegay in siidhkani u badan yahay Galay, dhammaantiina ka soo go’ay banka Wajaale.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Maanta halkan waxa aanu ku kala dirayna gaadiidkii gobollada Somaliland oo dhan gaadhsiin lahayd abuurka ama siidhka beeraha.

Ujeedada lagaga leeyahayna waxa weeyi in la ilaaliyo siidhkeena, sababto ah inaga siidhkeenu tayo ayuu leeyahay, siidhadhka dibadaha la inooga keenayo mar kaliya uunba la beera balse tayo malaha, beeralayda Somalilandna waxa aanu gaadhsiinayna siidhka inaga dalkeena ka soo baxay, kaas oo u badan galay,”

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in qaybinta siidhkani ay qayb mihiim ah ka tahay in la hirgaliyo balanqaadkii madaxweynaha ee ahaa in gobollada iyo degmooyinka dalka la gaadhsiiyo siidh ku filan.

“Waxa kale oo ku jirta in aynu fidino beerihii, iyo in aynu hirgalino balanqaadkii madaxweynaha ee ahaa in min gobol ilaa degmo la gaadhsiiyo siidhka.

Roobka waxa la filaya in uu da’o bisha tobankeeda Ilaa wixii ka danbeeya roobku wuu sii di’i doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo, marka inta aanu roobku di’in wixii ay beeraha ku shiniyayn lahaayeen ayaanu u dirayna beeralayda”Ayuu yidhi wasiirka beeruhu.

Qaybinta siidhkan ayaa ku soo beegmaysa xilli la filayo in roobkii Gu’gu ka curto guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Leave a Reply