Bisha Barakeysan ee Ramadaanka iyo Sida uu Rasuulka (CSW) uu ugu dedaali jiray.

0
660

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa kalmado kooban oo ku saabsan soo dhawaynta bisha ramadaan, anago rajaynayna inuu Allaah nagu anfaco sawaabkana nawaafajiyo, nagana dhigo kuwii laga aqbalo soonkooda iyo salaadoona, naartana looga xoreeyo inaga iyo waalidkeenba.. aamin.

Wuxuu Rasuulka (scw) ugu bishaarayn jiray muslimiinta dhalashada bisha ramadaan, sida uu werinayo Imaamu Dhabari, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa markay timaaddo bisha Rajab kii yidhaahda “Alloow noo barakeey Rajab iyo Shacbaan, Ramadaana na gaadhsii”.

Dadaalkii Rasuulka (scw) ee Ramadaanka

Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyada oo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tidhi “ha ka tagina salaadda leylka, maxaa yeelay Rasuulka (scw) kamuu tagi jirin.

Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray”. Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaadho ramadaanka, saxaabadana waxay ahaayeen kuwa ka shidaal qaata sunnadaas.

Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yidhi xaddiis macnihiisu ahaa: “waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xidhaa albaabada Naarta, waxaa la xidhaa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeen, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay”.

Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo ay naan dib ka qoomamayn.

Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu bishan kheyrka badan aan ku qaabilno towbad badan, qur’aan akhris badan, salaad badan, adeecida iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xidhiidhka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe (swt) raalliga ka yahay. Bisha ramadaan waa bishii naxariista.

Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bisha la iska xorreeyo naarta Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw).

Wuxuu Eebbe (sw) yidhi isaga oo ka hadlaya arrintan “hadduu addoonkayga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo” aayadda 186 suuradda Al-Baqara.

Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yidhi “saddex ducadooda lama celiyo”, waxayna saddexdaas kala
yihiin:

1- Qofka sooman markuu afurayo,

2- Imaamka caadilka ah iyo

3- Qofka la dulmiyay habaarkiisa”.

Sadaqada iyo soonka

Walaalayaal, sidoo kale bisha ramadaan waa bil caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yidhi “Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan wakhtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyaga oo daraasayn jiray qur’aanka”.

Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yidhi “waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw) dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan.

Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyada oo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa Waa fadli aad u weyn.

HABEEN LAYLATUL QADAR:

Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkasta oo aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa’iideystaan fadliga ramadaanka.

BAABU RAYAAN:

Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada, kaas oo loogu magacdaray Rayyaan.

Saxaabiga la yidhaahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isaga oo leh “waxaa jannada dhexdeeda ahaaday Albaab la yidhaahdo Rayyaan, Albaabkaas ayey dadkii soomanaa ka soo galayaan maalinta qiyaamaha, qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la odhanayaa meeye dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo”.

GUNAANAD

Walaalayaal haddaba markaan aragnay faa’idoonyinka bishan barakeysan waxaa lama huraan ah in aan ka faa’ideysano kheyraadka badan oo bishan, oo aanu ugu dedaalo sidii aanay inagu soo noqon doonin.Waxaan Alle swt ka baryaynaa in uu inaga aqbalo camalkeena midkiisa saalixa ah.

Waxaana dhamaan idin leenahay Ramadaan Kariim.

 

Leave a Reply