Christian Pulisic oo ka Hadlay inuu ka Tegayo Chelsea Xagaaga Soo Socda

0
444

Xiddiga reer Maraykan ee Christian Pulisic ayaa beeniyey wararka sheegaya in uu ka tegi doono Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaanu sheegay in uu sii joogi doono Stamford Bridge.

23 jirkan oo kursiga kaydka u dhacay xilli ciyaareedkan ayaa kaliya u saftay Blues 15 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey lix gool iyo afar caawimood oo uu raaciyey.

Fursad yaraanta  ku haysata Chelsea, ayaa waxa la sheegay inay ku riixayso Pulisic in uu ka fikiro mustaqbalkiisa oo uu iskaga tago xagaaga foodda inagu soo haya, si uu u helo naadi kale oo uu boos joogto ah ka helo, isla markaana kusoo bandhigo hibadiisa ciyaareed.

Christian Pulisic oo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor ciyaarta ay kooxdiisu caawa ku martigelinayso Real Madrid, ayaa yidhi: “Waan ku faraxsanahay halkan. Waxyaabo wanaagsan ayaanu qabanay intii aan halkan joogay. Waan ku raaxaysanayaa kubbadayda, kamana walwalsani in aan ka tago kooxda waqtigan.”

Laba sannadood ayaa ka hadhsan qandaraaska uu Christian Pulisic kula jiro Chelsea, hase yeeshee waxa soo baxayay warar badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa oo sheegaya inuu tegi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Bishii hore ayay warbaahintu sheegtay in ay suurtogal tahay in garabkan weerarka ee Chelsea uu doonayo inuu tago Juventus oo iyaduna u gacan-haadinaysa, waxaana wararkaas sii xoojiyey mushkiladda dhinaca dhaqaalaha ee ay Blues gashay markii ay dawladda UK xayiraadaha kusoo rogtay.

Bishii January ayuu Christian Pulisic qirtay in uu ka niyad-jabsan yahay boos la’aanta ku haysata Chelsea, waxaana isaga oo waqti la qaadanaya ciyaartoyda xulka qaranka Maraykanka oo uu shir jaraa’id ka hadlayey xilli ay isreeb-reebka Koobka Adduunka ku jireen uu yidhi: “Sannadkani wuxuu ahaa mid hoos u dhac iyo sare u kacba leh. Run ahaantii ma taagni halkii aan doonayay in aan ku sugnaado, waxaanan doonayaa in waxyaabaha qaarkood ay hagaagaan

Leave a Reply