Qaab aan Hore loogu Arag Kubadda Cagta oo ay ku Ciyaartay Kooxda Atletico Madrid

0
582

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa noqotay mid lagaga maadsado baraha  bulshada, kaddib qaab ciyaareed lala yaabay oo ay soo bandhigtay kulankii guul-darrada ee Manchester City ay xalay ku garaacday 1-0.

Diego Simeone ayaa iska illoobay gebi ahaanba in uu wax weerar ah qaado, waxaana uu kusoo galay shax difaac iyo khad dhexe oo kaliya ka dagaallama, si ay goolkooda uga ilaaliyaan ciyaartoyda Manchester City.

Lugta hore ee wareegga  siddeedda Champions League oo ka dhacay Etihd Stadium ayay Manchester City waqti dambe dhalisay goolka madiga ah ee ay Atletico Madrid ku garaacday, waxaanay Arbacada u safri doontaa Wanda Metropolitano oo ay ugu tegayso Atletico.

Diego Simeone ayaa kaydka  dhigay Luis Suarez oo aanu xataa hal daqiiqo soo gelin, halka Thomas Lemar uu dhamaadka ciyaarta oo ay siddeed daqiiqadood ka hadhsan yihiin uu soo galay.

Joao Felix iyo Antoine Griezmann oo ciyaarta  kusoo bilowday ayaa u ciyaarayay sida difaaca iyo khadka dhexe, waxaanay ku jireen halgan, iyaga oo iska illoobay inay hore u socdaan oo ay raadiyaan inay gool dhaliyaan, taasina waxay keentay in shaxda kooxdu ay isku beddesho 5-5-0 oo ah shan difaac iyo shan khadka dhexe iyo weerarka oo cidlo ah.

Waxay taasi keentay in Man City ay 70% iyo ka badan ciyaarta maamusho, qaybtii horena xataa hal mar Atletico ma aanay tooganin goolka Manchester City.

Baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka ayay dhax  wareegayaan sawirrada sidii ay ciyaartoyda Atletico Madrid difaaca ugu wada jireen, waxaanay jamaahiirtu ku eedaynayaan Diego Simeone in isaga oo haysta ciyaartooyo wanaagsan aanu sidii loo baahnaa u dheelsiinayn oo uu difaac iyo dagaal ku qasbayo, isla markaana illoobay sidii kubbad fiican loociyaari lahaa.

Pep Guardiola ayaa xilli ay ciyaartu u muuqanaysay inay ku dhamaanayso 0-0, waxa uu qaatay go’aan ah in uu saddex  beddel sameeyo, waxaanu soo geliyey Jack Grealish, Gabriel Jesus iyo Phil Foden daqiiqaddii 68aad, waxaana isbeddel weyn sameeyey Foden oo 20 seken oo kaliya markii uu ku jiray garoonka kubbad cajiib ah u dhiibay Kevin de Bruyne oo isaguna goolka ku hubsaday.

Leave a Reply