Dabka Suuqa Waaheen wuxuu Saameeyey Guri kasta oo Hargeysa ah, iyo Shan kun oo Ganacsi…”Madaxweyne Muuse

0
453

Madaxweynaha oo Baaq u diray Caalamka  kuna sheegay Qorshaha xukuumadda ee wax-u-qabashada bulshadii uu saameeyey dabkii Suuqa Waaheen

Hargeysa-(Dawan):-  Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in dabkii suuqa Waaheen laga dareemay guri kasta oo Hargeysa ah, ayaa ka codsaday beesha caalamka inay dedejiyaan taageeradooda dhaqaale iyo farsamo ee suuqa Waaheen, sida lagu sheegay baaq caalami ah oo uu shalay u diray looguna talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay masiibada dabka ee dhawaan baabiisay suuqa weyn ee Waaheen,

Baaqa shalay uu soo saaray Madaxweynaha Mudane Muuse oo ciwaan looga dhigay “Codsi caalami ah oo loogu talagalay dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee suuqa Waahen” ayaa lagu bilaabay;

“Suuqan Waaheen ee dhawaan ay masiibadii dabku baabiisay, ayaa lagu qiimeeyay inuu ahaa mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan Somaliland, isla markaana xuddun u ahaa dhammaan wax kala beddelashada lacagaha qalaad iyo ganacsi, oo  u adeegi jiray guud ahaan dalka Somaliland iyo inta badan dalalka jaarka.

Dab weyn oo baabiiyey suuqa Waaheen 1 April, ayey dhaawacyo ka soo gaadheen 27 qof, waxaana hantidii ku baaba’day ay saamaysay dhammaan guryaha Hargeysa, si toos ah iyo si dadban, sidoo kale saamaynta dhaqaale iyo maskaxeed ayaa ah mid aad u weyn.

Madaxweyne Mudane Muuse ayaa bulshada Caalamka ugu baaqay in xukuumada Somaliland bilaabayso hawlgal laba billion (2 Billion $) si degdeg loogu fidiyo taageero bini’aadantinimo iyo mid nololeed, ugu yaraan shan kun oo qoysas, isugu jira kuwo yar, dhexe iyo kuwo ballaadhan. Waxaa kaloo masiibadaasi ka dhashay sare u kac qiimahii ascaarta daruuriga, oo horeba ay u saamaysay sicir-bararka caalamka ka jiray.

“Waxaan u baahan nahay inaan dedejino taageerada, si aan u yareyno saamaynta ay ku yeelanayso nolosha danyarta, siiba dumarka iyo caruurta.”

Waa inaan wadajir beesha caalamka, ganacsiga gaarka loo leeyahay, xukuumada Somaliland, qurbajooga Somaliland uga jawaabnaa wax-ka-qabashada masiibadan.

Qorshaha aanu diyaarinay waxa ku jira caawimo lacageed oo ujeedo badan leh oo loogu talagalay kooxda aadka u nugul, kaalmo cunto iyo hoy iyo dib-u-dhiska dhismayaashii burburay. Waxa kaloo qorshaha ku jira sidii loo taageeri lahaa Dawladda Hoose ee Hargeysa, oo dhaqaalahii cashuuraha ay ka heli jirtay suuqa Waaheen meesha ka baxay, isla markaana ay u diyaarin lahayd lix goobood oo si ku-meel-gaadh ah bulshadu ugu sii ganacsato, inta suuqa dib loogu dhisayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay si dedaaladu u noqdaan kuwo hufan oo daahfuran, inuu magacaabay guddi qaran, oo Maayerka Caasimadu qeyb ka yahay, oo ay taageerayaan khubaro xaaladaha degdeg ah.

“Hawshan xasaasiga ah, wakhtigu waa muhiim, waxaan ka dalbanaynaa dhamaan beesha caalamka iyo saaxiibada Somaliland inay jawaab degdeg ah ka soo bixiyaan taageeradooda dhaqaale iyo farsamo ee loo baahdo. Hawshuna sida ay u kala muhiimsan tahay ayaa loo kala horeysiin doonaa.”

Baaqa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la wadaagay Beesha Caalamka, oo laba bog ka koobnaa, ayey la socdeen saddex bog oo lagu faahfaahiyey baaxada dhibaatada dabku keenay, qorshaha imika xukuumadu sii bilowday iyo dhaqaalaha ay ku bixinayso.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply