Iska Ilaali Dulmiga Muslimiinta!

0
529

Waxa Muslim weriyay in gabadha lagu magacaabi jiray Arwa Bintu Aways ay u tagtay Khaliifkii Marwan Binu Xakam, oo ahaa khaliifkii afraad ee Umawiyiinta iyadoo uga ashaktoonaysa in Siciid Binu Sayd uu dhulkeeda qayb ka mid ah uu xoog kaga qaatay.

Markii la uu weydiiyay Siciid Binu Sayd in dhulkaasi uu xoog ku qaatay waxa uu yidhi ” maya sideen ugu qaataa iyadoo aan, maqlay xadiiska Rasuulka (scw) uu ku yidhi :” Qofka taako in la mid ah oo dhul ah dulmi ku qaata, toddobada dhul ayaa maalinta qiyaame qoorta loogu duuba”.

Siciid Binu Sayd waxa uu uga tegay dhulkii gabadhii waana uu habaaray isagoo yidhi :”Allahyow hadday been sheegayso gabadhaasi arragga ka qaad, xabaasheedana ka dhig dhulkaasi”.

Dhab ahaan gabadha Arwa waxay noqotay indhoole aan waxba arag, iyadoo maalin socota dhulkeedaasi ay qaadatay dhexdiisna waxa ay ku dhacday ceel ka qodanaa waana ay dhimatay iyadoo qabrigeediina noqotay.  (Kitaabka Seexa Muslim M4)

Leave a Reply