Wefti Ka Socda Beesha Caalamka oo Booqday Suuqa Gubtay ee Waaheen

0
427

Hargaysa (Dawan): Masuuliyiin sare oo ka socday beesha caalamka gaar ahaana ururka mudiwga Yurub, ingiriiska, iyo qaramadda midoobay ayaa shalay booqday suuqii gubtay ee Waaheen ee magaaladda Hargaysa.

Kormeer ay ku soo sameeyeen suuqa gubtay waxaa ku wehelinayay xubno ka mid ah xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka qorshaynta, guddiga dib u dhiska suuqa Waaheen, iyo maayerka Hargaysa.

Waxaanay sheegeen in beesha caalamku ay diyaarinayaan qorshaha xiligan ee gurmadka suuqa gubtay, iyagooa uga tacsiyadeeyay bulshadii ku hanti waayay dabkaasi iyo burburkii ka soo gaadhay.

Xubnahan kala duwan ee   ka socday beesha caalamka ayaa kadib markii ay soo kormeereen suuqa gubtay ee Waaheen waxay warbaahinta uga warbixiyeen wixii ay ku soo arkeen

“Waxaanu halkan ku soo aragnay waa burbur baaxad leh. Waxaanu murugadda la dareemaynaa dadweynaha reer Somaliland ee hantidoodiiba ku waayay halkan” sidaasi waxa yidhi wakiilka UK ee xafiiska Hargaysa.

Weftigan beesha caalamka ayaa socdaalkooda u jeedadiisa ku tilmaamay sidii ay murugadda ula qaybsan lahaayeen dawladda shacabka Somaliland dhibaatadda ka soo gaadhay suuqan Waaheen.

“Anagoo isku dhan oo beeshii caalamka ah, waxaan halkan u joognaa in aanu murugadda la wadaagno dawladda iyo shacabka Somaliland dhibaatadda ka soo gaadhay suuqan Waaheen.

Waxaa na loo sheegay inuu yahay suuqa labaad ee ugu weyn dalkan, waxa kaloo uu yahay kan afraad ee ugu weyn geeska Afrika. Waa burbur baaxad leh ee ku soo beegmay xilli ay abaari dalkan ka jirto, oo biyuhuna ay yar yihiin. Dabku waxa uu baabiiyay dhul aad u ballaadhan, waxa kaloo nalo sheegay inuu saameeyay nolosha in ka badan 30,000 oo qof oo suuqan si toos ah uga shaqaysan jiray, oo ay ku sii tiirsanaayeen kumanaan kale”ayay tidhi masuul u hadashay masuuliyiinta ka socday qaramadda midoobay.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxa ay tidhi “Waxaanu halkan ku soo aragnay waa burbur baaxad leh, anagoo kaashanayna dawladda Somaliland guddiga gurmadka wax ka qabashadda soo celinta suuqii gubtay ee Waaheen, waxaanu caawimadayadda kaga qaybq aadan doonaa…”.

 

Leave a Reply