Xukùumadda oo Mowqif Cad iska Taagtay Qorshe loogu Gurmanayo Suuqa Waaheen oo Soomaaliya Qayb ka Ahayd

0
375

Hargeysa-(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa mawqif cad iska taagtay qorshe gurmad loogu samaynayay suuqa waaheen ee caasimadda Hargeysa oo shuf beelay oo ay qayb ka ahayd dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda  Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga  caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Kayd Ciise Raagsaale, ayaa ka dalbaday daneeyayaasha ka qaybgelaya gurmadka taakulaynta Suuqa waaheen ee horaantii todobaadkan gubtay inay ixtiraamaan madaxbanaanida dawladnimo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland .

 

Sidaasina waxa uu Wasiir Kayd ku sheegay war qoraal ah oo uu ku baahiyey bartiisa Twitter, isagoo daba socday hadal isla mareegtaasi uu ku iclaamiyey Wasiirka maaliyadda ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo tibaaxay  kulan ay wasiirrada dhigiisa ah ee wadamada gobolku ka yeellanayaan masiibada suuqa gubtay.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan la shaqaynayaan cid kasta oo kala qayb-qaadanaysa gurmadka dhibaatada culus ee ka dhalatay dabka, hase yeeshee haddana loo baahan yahay in laga foojignaado wixii wax u dhimaya madaxbanaanida iyo qarannimada Somaliland.

“Somaliland waxa ay la shaqaynaysay wada-hawlgaleyaasheeda oo ay mar hore-ba ula xidhiidhay qaar badan oo iyaga ka mid ah si ay wax uga qabtaan masiibada Suuqa Waaheen.

 

Waanu ka mahadcelinaynaa isku duubnidiinna, laakiin waxaanu idinka codsanaynaa in aad xasuusataan in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax-bannaan, sidaa awgeed-na ay tahay in la ixtiraamo dawladnimadayada”ayuu yidhi Wasiir Kayd.

 

 

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Maxamuud Dawaale  ayaa fariin uu bartiisa twitter ku baahiyey dorraad ku sheegay  “waxaan wadnaa qorshe sidaan uga jawaabi lahayn masiibada Suuqa Waaheen”.

 

Wasiirrada kulanka loo diyaarinayo waxa qayb ka ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ay weheliyaan Kenya, Itoobiya iyo Djibouti, taasoo bixinaysa arragti ah in maamulka Muqdisho qorshe siyaasaddeed uga faa’idaysanayo arrintaasi

 

Leave a Reply