Nuxurka fariin hawada loo mariyay Guud ahaan dhallinyarada Barnaamijka shaqo Qaran

0
383

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha barnaamijka shaqo Qaranka Maxamed Xuseen Mu’adinka ayaa dhallinyarada barnaamijka shaqo Qaran ugu baaqay meelkasta oo ay dalka ka joogan in ay ka soo qayb galaan nadiifinta suuqa Waaheen, oo loo asteeyay maalinta isniinta.

Waxa uu dhallinyarada ku wargeliyay in  ay isugu yimaadeen barxada hore ee xarunta gobolka Maroodijeex, halkaasi oo uu sheegay in ay iska wada raaci doonaan iyaga oo ku libisan astaanta barnaamijka shaqo Qaran.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in ay si toosa hawsha uga bilaabi doonaan halkii lagu qaybiyo iyaga oo wada dhan.

Waxaanu yidhi.“Masiibadii halkan ka dhacday waynu u wada joognay ILLAAHEY ayaa qadaray, wixii ALLE keenana waa lagu samara.

Dhallinyarada barnaamijka shaqo qaran iyaga ayaa is abaabulay, waxaanay isu abaabuleen in ay ka qayb qaataan wixii ay ku biirin karaan, ama dhaqaale ha noqoto ama nadiifinta ama waxkasta oo gacan iyo jeeba ay kaga qayb qaadan karaan ay diyaar u yihiin.”

Mu’adinka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.“Haddii ILLAAHEY yidhaahdo maalinta isniintana si weyn ayay uga soo qayb galayaan, waxa inta aan nala joogin amase aan maqala aan ugu baaqaya intii soo gaadhi karta iyo intii gobolka joogtaaba ay isugu yimaadaan xarunta gobolka Maroodijeex, halkaasi oo ay iska soo wada raaci doonaan, iyaga oo calamadahoodii iyo qalabkoodi oo dhan sita”

Sidoo kale waxa uu xusay in ay goobtii lagu qaybiyo ay shaqada ka bilaabi doonaan.“Halkii lagu qaybiyo shaqadana inay toos uga qayb galayaan, anaga oo wada dhan oo aan hoggaaminayo ayaanu iman doona haddii ALLE yidhaahdo oo aynu noolahay”

Maaha markii koobaad ee dhallinyarada barnaamijka shaqo sidan oo kale isu abaabulaan ee ay ka qayb qaataan barnaamijyada is xilaanka ee dalka iyo dadka wax loogu qabanyo.

Leave a Reply