Baaqii uu Madaxweyne Muse Biixi Cabdi u diray Bulshada Caalamka iyo War-bixintii ku Lifaaqnayd

0
464

Waxa soo koobay Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Madaxweynaha JSL Mudane Muse Biixi Cabdi ayaa Arbacadii (06/04/2022) wuxuu soo saaray laba qoraal oo mug leh oo Af-Ingiriisi ah oo ka koobnaa BAAQ ama QAYLO-DHAAN uu u diray Beesha iyo Bulshada Caalamka iyo WAR-BIXIN HOR DHAC AH oo ka hadlaysa xajmiga iyo baaxadda uu le’eg yahay khasaarihii dhacay, dhaqaalihii ku burburay iyo saamaynta nololeed ee uu ku yeelan karo bulshada JSL Masiibadii Dabkii baabiiyey Suuqii Waaheen, kaasoo udub dhexaad u ahaa ganacsiga suuqyada Bariga Afrika.

Nuxurka Qoraalkii Qaylo-dhaanka ahaa ee uu Madaxweynaha JSL u diray Beesha Caalamka, waxa ugu muhiimsanaa qodobada soo socda:

  1. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Suuqa Waaheen uu ahaa udub- dhexaadka ganacsiga dalka Somaliland oo dhan iyo xudunta dhaqdhaaaqa maaliyadeed iyo xagga sarrifka lacagaha qalaad, kaasoo u adeegi jiray guud ahaannba Somaliland iyo waddamada kale ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika.
  2. Madaxweynuhu wuxuu qoraalkiisa Qaylo-dhaanka ah ku sheegay in dabkii 01.04.2022 burburiyay Suuqii Waaheen uu ahaa Masiibo Qaran oo aanu nooceedu ummadda Somaliland hore u soo marin. Wuxuu sheegay in masiibadii dabkaasi ay ku shuf beeleen hanti mood iyo noolba leh oo aan cadad iyo qiyaas toona lahayn.
  3. M/weynuhu wuxuu sheegay in dabkaasi uu Suuqii Waaheen u bedelay gel-gelin cidlo ah iyo goob laga guuray beri hore. Nasiib wanaag khasaaraha nafeed wuxuu ku koobnaa 27 qof oo dabka ku dhaawacmay.
  4. M/weynuhu wuxuu sheegay in khasaarihii dabku geystay uu si toos ah iyo si dadbanba u saameeyey qoys kasta oo ku nool magaalada Hargeysa, Dhaqaale ahaan, Maskax ahaan iyo Dhimir ahaanba.
  5. Baaqa Qaylo-dhaanka ah ee uu M/weynuhu u diray Beesha Caalamka wuxuu ku muujiyey in masiibadii dabkii Suuqa Waaheen uu sababay khasaare Maaliyadeed oo gaadhaya 2 Bilyan oo Dollar. Dabka waxa gebi ahaanba ku shuf beelay qiyaastii in ka badan 5,000 oo meheradood oo ahaa ganacsi ay lahaayeen qoysas, kuwaasoo isugu jiray ganacsiga yar yar, kuwa dhexe iyo kuwa waaweynba.
  6. Dhinaca kale, M/weynuhu wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in khasaarihii dabku geystay uu sababay sicir-barar hor leh, ascaartii iyo maciishadiina uu qiimahoodu cirka isku shareeray, taasoo sii adkaysay noloshii bulshada dan yarta ahayd.
  7. M/weynuhu waxa uu qoraalkiisa ku caddeeyey sida ay lagama maarmaanka u tahay in la mideeyo, meelna loo wada jeediyo qaylodhaanka iyo gurmadka lagu gargaarayo bulshadii ku caydhowday khasaarihii dabka, kuwaasi oo u badan bulshada intooda nugul, dumar iyo carruur.
  8. Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in si isku duuban oo deeqsinimo iyo naxariisba leh aynu dhammaanteen uga qayb qaadano gurmadka loo fidinayo dadkii ku tabaaloobay dabkii Suuqa Waaheen, haddii ay tahay: (a) Dalalka Deeq bixiyeyaasha; (b) Ganacsatada Dalka; (c) Dawladda Somaliland; (d) Bulshada Somaliland ee Qurba Jooga; (e) iyo Bulshada Caalamkaba.
  9. M/weynuhu wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in uu jiro Qorshe Qaran oo degdega ah oo loogu tala galay gurmadka iyo gacan-qabashada qaybo ka mid ah dadkii ku tabaloobay dabkii, gaar ahaan bulshada intooda dan yarta ah ama ugu nugul. Qorshahahan waxa ka mid ah: gargaar lacageed, gargaar raashin iyo intii suurto gal ah, dayactirka dhismayaasha uu dabku waxyeeleeyey.
  10. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Qorshaha Qaran ay ka mid tahay in Dawladda Hoose ee Hargeysa laga taageero hirgelinta 6 goobood (suuq) oo laga sameeyo xaafadaha Caasimada, kuwaasoo loogu tala galay in ay si-ku-meel-gaadh ah ugu sii ganacsadaan dadkii uu dabku bara kiciyey, ilaa iyo inta Suuqii Waaheen dib loo dhisayo dibna loogu ganacsan karayo.
  11. Madaxweyne Muse Biixi wuxuu ka mahad naqay dareenka yuhuunta iyo damqashada leh ee ay Waddamada Deriska ah iyo Dalal badan oo ka mid ah Beesha Caalamku ay kaga fal-celiyeen masiibadii haleeshay Hargeysa, laakiin wuxuu sheegay in Bulshada Caalamka looga baahan yahay gargaar laxaad leh si loo baajiyo tabaale iyo masiibo bini’aadannimo oo hor leh. Wuxuu sheegay in hadii aynu iskaashano, cududeenana midayno in aynu wax badan ka tari karno masiibadii dhacday, dadkii ku tabaaloobayna aynu u hidin karno cawil-celin ay kaga soo kabtaan dhibtii gaadhay.
  12. Si loo mideeyo juhdiga iyo dedaalka loogu jiro gargaarka wax-ka-qabashada masiibadii dhacday, si loo helo isla xisaabtan iyo daah-furnaan aan mugdi ku jirin, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu magacaabay Guddi heer Qaran ah oo ka kooban Xubno Wasiiro ah oo lagu IIDAAMAY (lagu ladhay) Mayor-ka Caasimada, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Khubaro aqoon sare u leh qaabka loo maareeyo ee looga jawaabo masiibooyinka dhaca.
  13. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in masiibadii ka dhacday Hargeysa ay keentay xaalad degdeg ah iyo marxalad culus, waqtiguna uu is gurayo. Wuxuu Baaq Qaylo-dhaan ah oo toos ah u diray Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland, isagoo ka codsaday in ay dadka tabaaloobay u fidiyaan gargaar dhaqaale oo degdeg ah iyo taageero xagga farsamada iyo khibradda ah.
  14. Iyadoo la isu dubaridayo dhammaan gurmadka, juhdiga iyo dedaalada lagaga jawaabayo masiibadii dabkii Suuqa Waaheen ee ay ku hawlan yihiin Haya’daha kala duwan ee Qaranka, Ganacsatada Dalka, Bulshada Somaliland ee Qurba Joogta ah iyo Beesha Caalamka, waxa naga go’an in aanaan waxba hagran waxna la hadhin, ayuu yidhi Madaxweynuhu.
  15. Gabagabadii, Madaxweynuhu wuxuu qoraalkiisa Qaylo-dhaanka ah ku sheegay in si qoto dheer loo qaabayn doono loona soo ban dhigi doono Qorshe Qaran oo dhamaystiran oo la xidhiidha bixinta gargaarka bini’aadannimo, gacan-qabashada iyo ka soo kabashada dadkii ku tabaaloobay masiibadii dabka, dib u dhiska iyo dib u noolaynta xuduntii ganacsiga. Dabadeed Qorshahaa isaga ah waxa loo hirgelin doonaa wejiyo kala dambeeya, iyadoo lagu salayn doono, mudnaantana la siin doono tilmaamaha nuglaanshaha bulshada, ayuu Madaxweynuhu ku soo gunaanaday Baaqii Qaylo-dhaanka ahaa ee uu u diray Beesha Caalamka.

W/s koobay Xuseen Aadan Cige (Deyr)

 

 

Leave a Reply