13 muhaajiriin ah oo meydkooda laga helay xeebaha Tunisia

0
442

Hargeysa (Dawan)  Mas’uuliyiinta waddanka Tunisia ayaa Sabtidii soo saaray meydadka 13 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan lix haween ah iyo lix caruur ah, kadib markii doonyihii ay la socdeen ay la dagtay iyagoo isku dayayay inay u gudbaan badda halista ah ee Talyaaniga.

Muhaajiriintan ayaa dhammaantood ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya, waxaana ay la socdeen laba doomood, sida uu sheegay Mourad Turki, afhayeenka maxkamadda ku taal magaalada Sfax ee ku taal badda Mediterranean-ka.

Samata-bixiyeyaasha ayaa 37 muhaajiriin ah kasoo saaray biyaha Jimcihii iyo sabtidii, balse tobannaan kale ayaa weli aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.

Tunisia iyo dalka ay deriska yihiin ee Liibiya ayaa ah meelaha muhiimka ah ee ay ka dhoofaan muhaajiriinta doonaya inay gaadhaan xeebaha Yurub, kuwaas oo inta badan raaca maraakiibta aan u qalmin socdaalka badda.

Leave a Reply