Dibedbaxyo lagaga soo Horjeedo xilka Qaadista Imran Khan oo ka socda Pakistan

0
214

Hargeysa (Dawan) Dibedbaxyo looga soo horjeedo xilka qaadista ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka dhacay dalkaas.

Imran oo waayay kalsoonida baarlamaanka ayaa waxaa la filayaa in lagu bedalo Shehbaz Sharif oo ay walaalo yihiin ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas, Nawaz Sharif.

Si kastaba ha ahaatee, Imran Khan, oo taageerayaashiisa ay dibad-baxyo ka dhigeen guud ahaan magaalooyinka waa weyn ka dib markii xilka laga qaaday, ayaa weli ku andocoonaya in xilka qaadistiisa ay ahayd “shirqool shisheeye” .

Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dadka dibad baxyada dhigayay ay ahaayeen dadkii ugu badnaa ee taariikhda Pakistan ee u soo baxa qof masuul ah.

Leave a Reply