Arsenal & Barcelona oo Bilaabay Wada-hadallo ay Xiddigo Isku Dhaafsanayaan

0
448

Kooxaha Barcelona iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen wadahadalo ay ku samaynayaan heshiisyo isku badalasho ah marka la gaadho suuqa xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa daafaca dhexe ee Gabriel si ay ugu xoojiso difaaceeda xilli ciyaareedka dambe waxana ay Arsenal u soo bandhigtay xiddigo ka qayb noqon doona heshiiska.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona Arsenal u soo bandhigtay xiddigaha Memphis Depay, Neto & Riqui Puig si ay uga doortaan xiddiga ka qayb noqon doona heshiiska ay Barcelona ku doonayso saxiixa xiddiga Gabriel.

Barcelona ayaa Gabriel u aragta badalka xiddigaha Samuel Umtiti & Clement Lenglet kuwaas oo ka tagi doona kooxda dhaamadka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Arsenal ayaa suuqa u gali doonta weeraryahan iyo xiddig khadka dhexe ah suuqa xagaaga waxana ay ka fiirsanaysaa in ay hesho xiddigaha Memphis Depay & Riqui Puig.

Leave a Reply