Salah oo Magacaabay Afartii Gool-haye ee ugu Dhibta Badnaa inuu Gool ka Dhaliyo

0
466

Xiddiga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Sadio Mane ayaa shaaciyey magacyada afartii goolhaye ee uu ku dhibaatooday sidii uu goolal uga dhalin lahaa, waxaanu kaalinta  koowaad ka dhigay halyeyga Talyaaniga ee Gianluigi  Buffon.

Ma jiraan goolhayeyaal badan oo Mohamed Salah caqabad ku noqday in uu goolal ka dhaliyo, laakiin Gianluigi Buffon ayaa uu marar badan dhibaato ka mutay sidii uu shabaqiisa u gaadhi lahaa muddadii uu joogay horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Intii uu joogay AS Roma ayuu Salah ka hor tegay Buffon oo waqtigiisii ugu fiicnaa ku jira, waxaana uu illaa hadda illoobi la’yahay intii jeer ee uu isku dayay inuu goolal ka dhaliyo laakiin uu awoodi waayay.

Mohamed Salah oo waraysi siiyey telefishanka Sky Sports ayaa la weydiiyey afartii goolhaye ee ugu adkaa ee uu waajahay intii uu garoomada ku jiray, waxaana uu Buffon ku xigsiiyey Iker Casillas oo Real Madrid ahaa oo uu sheegay in aanu wax badan ka  hoosaynin Buffon iyo sidoo kale goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker oo ay horena ugu soo wada ciyaareen Roma.

Goolhayaha afraad ee ugu fiicnaa ee uu ku dhibaatooday sidii uu gool uga dhalin lahaa ayaa waxa uu u magacaabay Manuel Neuer oo Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany u ciyaara.

Salah oo ka jawaabayey su’aal ahayd inuu sheego goolhayihii ugu fiicnaa ee uu ka hor tegay intii uu ku jiray kubadda cagta ayaa yidhi: “Ma go’aamin karo mid, laakiin waxa aan sheegayaa afar. Casillas, Buffon, Alisson iyo Neuer. Waxa aan hubaa in ay jiraan goolhayeyaal kale oo badan oo wanaagsan, laakiin waan illowsanahay hadda. Way adag tahay in aan mid doorto.”

Salah iyo Casillas ayaa ku kulmay tartanka Champions League iyadoo goolhayaha reer Spain uu yahay kabtanka Real Madrid. Sidoo kale, Neuer ayay ku kulmeen Champions League

Leave a Reply