Sagaal Hay’adood oo Qiimayn ka soo Saaray Suuqa Waahen

0
436

Nairobi (Dawan)- Khubaro farsamo Qaramada Midoobay ah oo loo soo diray Hargeysa ayaa warbixin hordhac ah oo ay shalay soo saareen ku sheegay inay taageeri doona dedaallada maxaliga ah ee lagu qiimaynayo burburka iyo taageerada dib u dhiska suuqa.

Warbixinta hordhaca khubarada Farsamo ee QM oo ka koobnayd sagaal hay’adood oo kala shaqeynaya xukuumadda iyo guddida gurmadka, si ay u qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay, isla markaana gacan uga geystaan ​​dib u dhiska suuqa, ayaa lagu bilaabay;

“Goobtii uu ahaan jiray suuqa ugu weyn Somaliland, waxa ka soo hadhay burbur kaliya. In ka badan toddobaad ka dib markii uu dab qabsaday suuqa Waaheen, oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa, ayaa Qaramada Midoobay u dirtay koox ka kooban hay’ado la shaqeeya dawladda. Shaqadooduna waa mid aad u weyn.

Suuqa oo ku fadhiya masaafo baaxadeedu gaadhayso shan KM oo isku wareeg ah, ayuu dabkii suuqa Waahen keenay in badeecooyinkii lagu iibin jiray suuqu ay yaraadaan, isla markaana ganacsatadii suuqa sida Saynab Xasan Warsame ay hadda yihiin kuwa aan waxba haysan. “dukaankaygu wuxuu kaydin jiray dharka, waxaana iibin jiray dhammaan noocyada dharka, ayay tidhi. Waxay ahayd carwo weyn. Waxaan quudin jiray waalidiintayda waayeelka ah, carruurtayda, iyo sidoo kale carruurta hablahayda – guud ahaan, toban qof noloshooda waxay ku xidhnayd ganacsigayga. Waxaan ahaa isha masaariifta kaliya ee qoyskayga, laakiin hadda ma jirto.”

Isha dakhli ee muhiimka ah

Kooxda khubarada farsamo oo ku takhasusay arrimaha deegaanka, arrimaha isgaadhsiinta iyo dhaqan-dhaqaale iyo waxyaabo kale oo ka koobana shaqaale ka socday sagaal hay’adood oo Qaramada Midoobay ah, sida – UN Development Program (UNDP), UN-Habitat, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO), Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO), UN Women, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO). WHO), Sanduuqa Horumarinta Caasimada ee UN (UNCDF), Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

“Waxaan xusuustaa in aan la hadlay mid ka mid ah haweenka oo aan wax ka waydiiyay saameynta ay arrintan ku yeelatay iyada oo sheegtay laba arrimood oo xasaasi ah, ayey Jacqueline Saline Olweya, ku xigeenka wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa tidhi.

“Mid waa culayska ay leedahay burburka ku dhacay halkii ay wax ku iibineysay, Waxayna ka sheekeyneysay dhaqaalaha kooban ee uga soo bixi jiray sannad walba, balse taasi hadda waa baaba’day, hadda ma heysato, marka. Booqashada goobta ayaa sidoo kale naga caawisay in la qeybsanno ganacsatadii masiibadda una muujino weji bani’aadam.

Goobtu waxay ahayd il dhaqaale oo muhiim u ah dakhliga dawladda. Sida ay sheegtay Rugta Ganacsiga Somaliland Dabku waxuu baabi’iyey 40 ilaa 50 boqolkiiba dhaqaalahii magaalada.

 

 

Leave a Reply