Xero-jaadda Hargeysa oo laga Dhisayo Suuq Cusub

0
562

Hargeysa (Dawan)- Maayar ku-xigeenka Caasimada Hargeysa Khadar Xuseen Cabdi ayaa dhagax-dhigay dhismaha suuq cusub oo laga hirgelinayo Xero-jaaddii hore ee Magaalada, halkaasoo loo qorsheeyey in la dejiyo dadkii ku ganacsanayey waddooyinka suuqa Hargeysa.

Xero-jaadda Hargeysa ayaa kamid ahayd goobaha danta guud ee banaannaa, iyadoo looga faa’daysanayo in xilligan uu baaba’ay suuqii weynaa ee Magaaladu laga yagleelo suuq laga helo adeegyada aasaasiga ah.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyey bogga warbaahinta dawladda munaasibada dhagax-dhiga suuqa cusub waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socda Dawladda hoose ee Hargeysa iyo shirkadda dhisaysa dhismahaasi.

warka ayaa lagu yidhi “Waxa maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahey 12/4/2022 la dhagax dhigey Suuq Cusub oo laga sameyn doono halkii hore u ahaan jirtey xero-jaada Hargeysa, taas oo loogu talogalay in ay ku ganacsadaan Dadweynihii hore looga raray Wadada Suuqa Hargaysa.

dhismaha waxa dhagax dhigiisa goob joog ka ahaa Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa, Gudoomiyaha degmada Gacan-Libaax, Agaasimaha Hawlaha guud ee Dawlada Hoose iyo Shirkadii ku guuleysatey Qandaraas”ayaa lagu yidhi.

Dawladda hoose ee Hargeysa oo la tacaalaysa masiibada suuqii gubtay ee Waaheen, ayaa dhinaca kale ku xadfan maaraynta yaraanta suuqyada ganacsiga, iyadoo looga gol leeyahay in abuuro goobo ganacsi, xilli gubashadii suuqa waaheen ay keentay baahi baaxadle oo loo qabo in la helo suuqyo noocan ah.

 

Leave a Reply