Ciyaartoyda Man United oo ka Cadhooday Dalab Cusub oo ay Kooxdu u Bandhigtay Pogba

0
288

Tiro ka mid ah ciyaartoyda kooxda koowaad ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa in ay ka cadhoodeen dalab ay Red Devils u bandhigtay xiddiga reer France ee Paul Pogba oo ay isku dayayso inay kusii hayso Old Trafford iyadoo hore ay dhawr jeer uga fashilmeen qorsheyaal ay kooxdu doonaysay inay heshiis cusub kaga saxeexdo laacibkan oo bisha June xor ka noqonaya.

29 jirkan ayaa la sheegay in Manchester United ay u bandhigtay heshiis cusub oo uu toddobaadkii ku qaadanayo lacag gaadhaysa £500,000, taas oo ka dhigaysa ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League oo dhan, waxaana haddii uu aqbalo uu ka sarrayn doonaa Cristiano Ronaldo oo hadda ah laacibka ugu mushaharka badan horyaalka.

Qorshaha Manchester United ayaa ah in Pogba la siiyo £400,000 oo mushahar aasaasi ah iyo lacag kale oo gaadhaysa illaa £100,000 oo gunno ah, taas oo lacagta uu toddobaadkii qaadanayo ka dhigaysa nus milyan Gini.

Wargeyska Daili Mirror ayaa sheegay, in ciyaartoyda Manchester United ay ka cadhoodeen arrintan, gaar ahaan Cristiano Ronaldo oo toddobaadkii u xaadira £450,000 Gini, kaas oo doonaya in uu ahaado laacibka kooxda ugu sarraynaya dhinaca mushaharka  muddada uu joogo Old Trafford.

Waxa kale oo uu Pogba dhaafi doonaa David de Gea oo toddobaadkii qaata £375,000 Gini iyo Jadon Sancho iyo Raphael Varane oo labaduba u xaadira min £300,000 Gini.

Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa si aad ah u danaynaya Paul Pogba oo bishii hore sheegay in aanu wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa, laakiin qiray inuu dareensan yahay in sannado badan ay koobab la’aan kaga lumeen.

Paul Pogba ayaa ka mid ah tiro ciyaartooyo Manchester United ah oo qandaraasyadoodu ku egyihiin bisha June, waxaana liiskaas ku wehelinaya Jesse Lingard

Leave a Reply