Paulo Dybala oo Qarka u Saaran inuu ku Biiro Inter Milan

0
519

Xiddiga Paulo Dybala ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo la furay kooxda Inter Milan si uu qaab xor ah ugu biiro taas oo dhirbaaxo ku noqonaysa kooxaha Arsenal iyo Tottenham.

Kooxaha Premier League ayaa doonayay in ay helaan saxiixa xiddiga kooxda Juventus kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Heshiiska Paulo Dybala ee Juventus ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaaredkan taas oo keentay in uu kooxo badan xiiso ka helo.

Sida laga soo xigtay Gazzetta, Dyabala ayaa wadahadalo Rasmi ah la yeedhay Kooxda Inter Milan si ay iskula meel dhigaan heshiiska uu ugu biirayo kooxda.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa doonaya in uu sii joogo horyaalka Serie A-da waxana uu wadahadalo kale la yeelan doonaa kooxda si loo dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Inter

Leave a Reply