Dadaalka Iyo Daryeelka Hooyada!

0
299

Markii uu aqoon yahanku ka gudbay  imtixaankii hore aya loo sheegay inuu geli doono waraysi (Interview) si go’aankii ugu danbeeya looga gaadho inuu ku guulaysto jagada maamulaha ee shirkadda ka banaanayd.

Wuxu ahaa aqoonyahn aad u dhisan, gudoomiyaha shirkadda markii uu arkay natiijada imtixaanka uu keenay iyo Cv-ga iyo natooyinka imtixaanadiisa  ilaa heer jaamacaeed, ee uu soo gudbiyay aad ayuu ula yaabay heerka aqoontiisa.

Waxa uu la qaatay kulan uu ku weydiiyay su’aalahan:

Miyay jirtaa deeqo waxbarasho oo aad wax ku baratay? , wuxu ku jawaabay Maya. Marka kale wuxu weydiiyay Ma aabaha ayaa ka bixin jirin kharashka waxbarasho. Waxa uu ku jawaabay aabahay  wuxu dhintay  anagoo hal sano jiray. Hooyaday ayaa bixin jirtay. Gudoomiyaha: Hooyada maxay qabtaa? Aqoonyahanka: Hooyaday dharka ayay dadka u maydhaa.  Gudoomiyha: Adigu Miyaad  la maydhaa?  Aqoonyahan: Maya, ma ogola waxay igu tidhaa adigu casharadaada akhriso.

Gudoomiyaha: Caawa iyada gacmaheed u maydh ka dibna subax beri ah ii kaalay.   Aqoonyahankii ayaa habeenkii hooyadii u maydhay gacamaheeda waxase uu ogaaday in gacamaheedu ay noqdeen kuwo adkaaday oo dhib weyni ka muuqato. Habeenkii ayuu ka maydh dharkii intii hadhsanayd isagoo ogaaday dhibtaada hooyadii haysatay.

Subixii ayuu u galay guddomiyaha isagoo weli dareemaya hooyadii. arinkii ayuu u sheegay iyo sida uu isu bedelay markii uu ogaaday gacmaheeda isbedelka ku dhacay.  Gudoomiyah aya ku yidhi : Haddana waanu ku qaadanay shaqadii Maamulaha adigoo dareemaya inaad ku heshay dadaalkii hooyadaaa ku gelisay.

 

Leave a Reply