Suxufiyiintu Waa in ay Muujiyaan Masuuliyad” Urur Siyaasadeedka Dimuqraadiga Shacabka JSL

0
226

Hargeysa (Dawan) Urur Siyaasadeedka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday Jeelka wayn ee Hargeysa, taas oo lagu xidhay qaar ka mida Suxufiyinta ka hawlgala Somaliland.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka codsaday in uu saamaxaad u fidiyo Suxufiyiintii lagu xidhay Magaalada Hargeysa oo doonayay in warka soo tabiyaan Jeelka Magaalada Hargeysa oo gacan ka hadal dhex maray maxaabiista ku xidhan.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa waxa usoo jeediyay Suxufiyiinta Somaliland in ay muujiyaan Masuuliyad soona tabiyaan warar sugan oo aan khatar ku ahayn ammaanka iyo wada-jirka umadda. waxaana ugu baaqay Shacabka Somaliland in ay ilaashadaan Nabedgalyada iyo Midnimada dalka.

Sidoo kale Urur Siyaasadeedka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland ayaa waxa ayaa waxa uu ku amaaany Ciidamada Asluubta Somaliland sugidda ammaanka iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambaynta Xabsiyada dalka,sidoo kale waxa uu ku adkeeyay Ciidamada asluubta in ay ilaaliyaan Xaquuqda maxaabiista iyo daryeelkooda sida ku qeexan Xeerarka caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

Dhinaca kale Urur Siyaasadeedka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland ayaa waxa uu Madaxweynaha Somaliland ka codsaday in Saamaxaad u fidiyo dadka dambiyada fudud ugu xidhan Xabsiyada dalka Madaama oo lagu jiro Bishii Barakasnayd ee Ramadaam.

 

 

 

 

Leave a Reply