Afhayeenka Kulmiye Oo Dhaliillo u Jeediyay Hogaanka Waddani

0
326

Hargaysa (Dawan): Xisbul-xaakimka tallada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa ku eedeeyay xisbiyadda mucaaradka ah inay si xun u faafiyeen dhacdadii xibsiga weyn ee Hargaysa.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Muxumed Xasan Buuni, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa ku dhaliilay hogaanka xisbiga Waddani sida khaldan ee ay uga hadlaan arrimaha qaranimadda.

C/naasir Buuni, waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dhacdadii xabsiga dhexe ee Hargaysa, taasoo saxafiyiin toos u gudbinayay dhacdadaasi ay xukuumadu xidhay.

Waxaanu sheegay afhayeenka Kulmiye in ay mudan yihiin in tallaabo laga qaado saxafiyiintaasi, maadaama oo ay dhacdadii xabsiga buun-buuniyeen.

Afhayeen C/naasir Buuni, oo ka jadlayay xisbi ahaan sida ay u arkaan weriyeyaasha xidhan, waxa uu yidhi, “Waxaanu u aragnaa in ay ka mid tahay uun fududaydka lagu yaqaanay mucaaradka, ama dawakhaadii beryahan danbe haysatay xisbiyadda mucaaradka ah, gaar ahaana xisbiga Waddani.

Xisbiga Waddani beryahan danbe marka ay qaran timaadaba, aad moodaysay in aanu inagala mid ahayn. Waxaan mudnayn in laga sheekeeyo, jeelka weyn ee Hargaysa ee ay maxaabiistu ku xidhnayd in laga faafiyay”.

“Dalku waddow fara badan ayuu leeyahay. Gudbintii jeelka weyn ee Hargaysa, in ay u soo dhex raacaan ayaa dhici kartay. Arrinta xabsiguna waxay arrin ciidan, oo shuruucda dalku reebeen ka hadalkoodda” ayuu yidhi Buunni.

Geesta kale afhayeenka xisbiga Kulmiye ayaa tilmaamay in masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee arrinta xadhiga weriyeyaasha ka hadlay ay yihiin kuwii ku sifoobay in ay Haweenka xidhaan.

Waxaanu yidhi, “Waxaan u soo jeedinayaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo aan arkaynay in ragga u hadlayay ay yihiin raggii ku sifoobay, ee Hablaha xidh-xidhi jiray, ee xarumihii wargeyskii Haatuf gelelefay, ee aan dadka u tudhi jirin sidoodii moodayaan in xukuumadda maanta ee madaxweyne Biixi, u fikirayso”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply