WEEDHA WARGEYSKA Cukuse iyo Xirsi Sebankaa Markhaati ka ah Xadgudubkoodii Saxaafadda iyo Xoriyatul-qowlka ee ay Sameeyeen

0
338

 

Dhacdadii fowdada ahayd ee ay Arbacadii Toddobaadkii hore ay jeelka Hargeysa ka sameeyeen koox ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgasha warbaahinta gaarka loo leeyahay, kuwaasi oo tabin toos ah ka galay baraha bulshada iyagoo taagan xabsiga hortiisa, isla markaana sheegay in hub lala galay Xabsiga, taasi oo ahayd been iyo xaalad abuur aan caadi ahayn.

Xabsiga Hargeysa maxaabiis ayaa gadooday, kadib markii ay dalbadeen in laga saaro maxbuus edaab darro sameeyey. Waxana ciidanka Asluubtu ay u maareeyeen dhacdadaas sidii ugu habboonayd uguna deganayd, iyadoo qaar ka mid ah maxaabiistu ay dhagxaan la dhaceen ciidanka ilaalinayey.

Kooxdaas Suxufiyiinta ahi waxay dhacdadaas u weriyeen qaab fool xun oo ay kaga been sheegeen waaqicii jiray, waxaanay ka dhigeen in maxaabiis hubaysani ay jeelka kula dhex dirirayaan ciidankii ilaalinayey.

Bulshada Somaliland intooda badan ee samaha jeceli way ku diirsadeen weriyeyaashii been-abuurka iyo sumcad dilka ku sameeyey nabadgelyada guud ee dalka iyo dhacdadaasba. Waxana ray’ul-caamku ku sifeeyeen weriyeyaashaas la xidhay qaar been abuurka u badheedhay, kana degdegay inta masuuliyiinta Xukuumadda ee ay khusaysaa uga war-bixinayaan xaqiiqadii meesha ka jirtay.

Haddaba, dhacdadan waxa ka hadlay siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, xilligana ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,waxaanu sheegay inuu nasiib darro u arko in weriyeyaashii ugu badnaa la xidhay dharaartaa, isagoo ka dhigay qaar ceeb ka saliim ah oo Xukuumaddu xadgudub ku xidhay.

Maadaama oo aynu ku jirno xilli horumarka war- isgaadhsiintu xawaare sare jarayo, waxa judhiiba ay dadweynuhu Saxaafadda bulshada soo dhigeen Cabdilaahi Cukuse oo sannadkii 2014kii naqdiyaya,kuna haaraamaya Saxaafadda qaarkeed si qadaf ah u doonanayaan ciidammada oo waajibkoodii shaqo gudanaya, wuxuuna ku eedeeyey in marka la xidho ay qeylo ka tolayaan oo ay dalka sumcadiisa wax u dhimayaan.

Sidaas darteed, Cukuse inoo duuban isagoo dambiileyaal ka dhigaya Saxaafadda, marka uu xilka ka hayey Xukuumadda, imika oo uu nidaamka dibadda ka joogana uu gar iyo gar-darraba ugu doodayo Saxaafadda si kasta oo ay wax ugu dhimayaan amniga guud iyo karaamada qarannimo labadaba. Sidaas awgeed, waxaan leenahay is dhegayso Cabdilaahiyow labada jeerba hadalkaaga oo isku jira cirka iyo dhulka.

Sidoo kale, Cabdilaahi wuxuu ka mid ahaa dadka xadgudubyada ku galay muddadii uu Saxaafadda ka shaqeyn jiray. Wuxuu ku tallaabsaday dheg xumo aad looga xumaaday, kadib markii uu dharaar maalmihiisa ka mid ah uu bogga hore ee Saxansaxo ku soo daabacay ciwaan weyn oo nuxurkiisu ahaa “Madaxweyne Daahir Rayaale oo ka qaybgalay aaska gabadh adeegeyaashiisa guriga ka mid ahayd, isla markaana ka baaqsaday inuu ka xaadiro aaskii Afhayeenkii Madaxtooyada ee Cabdi Idiris.” Dhacdadaas xanuunka lihi waxay ka mid ahayd taariikhda madow ee Cabdilaahi Cukuse diiwaanka Saxaafadda u gashay.

Geesta kalena, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xadhiga Suxufiyiinta loo xidhay arrinta jeelka, waxaanu yidhi; “Cabudhin iyo cago-jugleyn ku cabiidsami maayaan dadka reer Somaliland. Xadhiga weriyeyaashu waa xadgudub Xukuumaddu u badheedhay. Laba maalmood ka hor ayuu Wasiirka Arrimaha Guduhu u hanjabay Saxaafadda, maanta wuu xidh-xidhay.”

Markiiba ummaddu waxay baraha bulshada wareejiyeen hadal kan aad uga duwan oo xilligii uu Wasiirka ahaa Saxaafadda uu ku goodinayey in aanay soo xambaarin hadalka siyaasi dan leh, balse ay Xukuumaddii uu ka tirsanaa kala shaqeeyaan wax uu ugu yeedhay horumarka uu maanta iska indho-saabayo.

Waxa kaloo dabuubtiisu ay bulshada soo xasuusisay inuu dulqaad la’aan iyo bisayl la’aan siyaasadeed darteed uu bilo xabsiga ugu taxaabay gabadh farriin ay wax kaga sheegayso ugu dirtay Telefoonkiisa gacanta, isagoo aan xeerin xurmada dhaqankeenu siiyey haweenka iyo xoriyatul-qowlka uu maanta ku dhololayo.

Ugu dambeyn, waxaan leenahay Xirsi iyo Cukuse odayaal wakhtiga ayaa ka markhaati ah gabood-faladii aad u geysteen Saxaafadda iyo xoriyatul-qowlka maanta aad Xukuumadda ku cambaareynaysaan, ummadduna way kortay oo ma majaro habaabin kartaan.

Leave a Reply