Hub Baa Lala Galey Jeelka Waxay Ahayd Gaf Iyo Khalad

0
279

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Sh. Ahmed Dayib Aden Kucadeey oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalane ka mid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa ku tilmaamay gef iyo meel ka dhac weyn oo laga galay qaranka hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah saxafiiyiinta Somaliand.

Xildhibaan Sheekh Axmed Dayib Kucadeeye oo qoraal kooban kaga hadlay dhacdadii todobaadkan ka dhacday Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa ayaa ku sifeeyay gef weyn oo ka dhacay qaar ka mid ah saxaafadda dalka muuqaaladii iyo tiraabihii ay ka midka ahaayeen israsaasayn baa ka socota Jeelka gudihiisa, hub baa lala galey Jeelka iyo waxyaabihii la midka ahaa.

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu qoraalkiisa ku yidhi “Xorriyadda saxafadda iyo Warbaahinta waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurk JSL, lamana cabudhin karo, sida ku cad qodobka 32AAD ee Dastuurka JSL faqraddiisa 3AAD oo u dhigan:

“SAXAAFADDA IYO WARBAAHINTA KALE WAXAY KA MID YIHIIN XORRIYAADKA ASAASIGA AH EE RA’YI-DHIIBASHADA, WAXAYNA LEEYIHIIN MADAX[1]BANNAANIDOODA; WAY REEBBAN TAHAY TALLAABO KASTA OO LAGU CABUDHINAYO”.

Sidoo kale Xorriyadda hadalka iyo ra’yi dhiibashada Muwaadin kasta (siyaasi iyo mid aan siyaasi ahaynba) waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurka JSL sida ku qeexan Dastuurka qodobkiisa 32AAD Faqraddiisa 1AAD oo u dhigan:

“MUWAADIN KASTA WAXA UU XOR U YAHAY IN UU RA‟YIGIISA KU BANDHIGO QORAAL, HADAL, MUUQAAL, SUUGAAN AMA QAAB KALE OO XEERKA WAAFAQSAN”.

Haddaba su’aashu waxay tahay Xorriyadda Saxaafadda iyo Muwaadinka ee Dastuurku aqoonsaday maleedahay xad ama bardhammaad aan la dhaafi karin? Jawaabtu waa haa; waxay leedahay xad iyo Shardi lama dhaafaan ah kaas oo ah in ayna taaban kana hor iman:

1) Anshaxa guud ee ummadda Somaliland ee Shareecada iyo Xeerarku qeexeen.

2) Xasiloonida dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo karaamadiisa.

3) Xuquuqda Muwaadinka kale ee Shareecada iyo Dastuurkuba dammaana qaadeen. Sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 25AAD, Faqraddiisa 4AAD oo u dhigan sidan:

“DHAMMAAN XORRIYAADKA QOFKA WAXA SHARDI AH IN AYNA KA HOR IMAN XEERARKA ANSHAXA GUUD, XASILOONIDA DALKA AMA XUQUUQDA QOFKA KALE”.

Ugu dambayn dhacdadii Jeelka weyn ee Hargeysa iyo muuqaaladii iyo tiraabihii ay ka midka ahaayeen israsaasayn baa ka socota Jeelka gudihiisa, hubbaa lala galey Jeelka iwm waxay ahayd gaf iyo khalad ka dhacay Saxafiyiinta kana baxsan hufnaanta wararka saxaafadda looga baahan yahay iyo buunbuunin warar aan jirin. cidkasta oo difaacday khaladkaasina way marin habawdey.

Laamaha amnigana waxaan ugu baaqayaa in xorriyaddoodii loo soo celiyo saxafiyiinta khaldamey Ilaahaybaan khaldamine iyaguna raaligalin ka bixiyaan, dhanka kale laamaha amniga waxa ku waajib ah in ay xarumaha warbaahinta xaq dhawraan; waayo xarumuhu danbi may galin.

ALLAA MAHAD LEH

XILDHIBAAN SH. AHMED DAYIB ADEN KUCADEEY”

 

Leave a Reply