Qaar ka mida wariyayaashi ku xidhna Hargeysa oo la sii daayay

0
493

Hargyeysa (Dawan)  12 kamid ah wariyayaashii 12, April xabsiga loo taxabay ayaa lagu guulaystay in xabsiga laga siidaayo, kadib dadaal ay sameeyeen xildhibaano iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Wariyayaashan ayaa qaarkood xabsiga loo taxaabay xilli ay tabin toosa ka samaynayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista ku jirta Jeelka Wayn ee Hargeysa, halka qaarkoodna laga soo qabtay xarumahooda warbaahineed.

Haddaba marka laga yimaado ilaa iyo saddex saxafi oo xoriyadooda dib u helay 3 dii cisho ee ugu horaysay, waxaa xabsiga kusii jiray 15 kale, kuwaasi oo maanta 12 kamid ah lagu guulaystay in lasii daayo.

Wariyayaasha wali xidhan ayaa waxa ay kala yihiin mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, wariye Cabdijabaar Maxamed Xuseen oo ka tirsan bahda HCTV iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif (Indho-Cadde), oo ka socda Gobonimo TV, isla markaana wariyayaasha lasii daayay ayaa sheegay in xoriyadoodu aanay dhamaystirnayn inta ay saddexdan wariye xidhan yihiin.

“Ilaa iyo intaa kale ay xoriyadooda helayaan, waxa weeyaan xoriyad wali maanu helin” waxa sidaa yidhi Axmed Maxamuud oo ka tirsan Saab TV.

“Dad badan ayaa waxa laga yaaba in ay u qaataan in aanu ku faraxsanahay siidaynta yada, waxaanu u sheegayna runtii in anaan aad ugu faraxsanayn, sababtoo ah saddex kamid ah asxaabtayada ayaa xabsiga nagaga hadhay”Ayuu yidhi Xasan Saleeban Haaruun (Xasan Galaydh) oo BBC katirsan.

Saxafiyiinta ayaa sidookale cabasho ka muujiyay sidii losoo qabtay.

Xasan Galaydh waxa uu intaas raaciyay .”Anaga waxa nalaga xidhay Jeelka Weyn ee Hargeysa hortiisa, runtii waxba manaan duubayn, sawirna manaan qaadayn waxaanu doonaynay in aanu hubino xaalada dabeetana ka warbixino waxa ay tahay”

Wariyayaashan ayaa xabsiga loo taxaabay xili ay ka warbixinayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista Jeelka Weyn ee Hargeysa, waxaana lagu eedeeyay in ay ka been sheegeen xaqiiqada dhacdada jeelka.

Leave a Reply