Qalab cusub oo neefta qofka ka baadhaya inuu qabo COVID-19 oo la soo saaray.

0
284

Hargeysa (Dawan) Hay’adda cuntada iyo daawooyinka Maraykanka ee FDA ayaa ogolaansho ku-meel-gaadh ah siisay aaladdii ugu horraysay ee loo qaabeeyey inay neefta qofka ka baadho inuu qabo xannuunka COVID-19.

Aaladda Inspect IR oo ah aalad cusub oo la dhigi doono xafiisyada dhakhaatiirta, cusbitaalada iyo goobaha wax lagu baadho ee guurguura ayaa natiijada ku soo saareysa wax ka yar saddex daqiiqadood, waxaana loo baahan yahay inuu baadhista sameeyo xirfadle caafimaad oo diiwaangashan.

Dr. Jeff Shuren oo ah maamulaha qaybta aaladaha iyo qalabka radiologyga ee hay’adda FDA ayaa aaladdan cusub ugu yeedhay inay tahay “tusaale muujinaya sida hal-abuurnimada caafimaadku u sii kordhayso, si loo helo habab sahlan oo xanuunkan lagu baadho”.

FDA waxay sheegtay in saxnaanshaha natiijada uu soo saaray qalabkani ay ahayd 91.2%.

Shirkaddan qalabkan soo saaraysa ayaa la filayaa inay toddobaadkiiba soo saarto illaa 100 xabbo, taas oo middiiba loo isticmaali doono in lagu baadho illaa 160 qof maalintii.

Shirkadda ayaa hiigsanaysa inay gaadhsiiso wax-soo-saarkeeda illaa 64,000 oo baadhisood bishii.

Leave a Reply