Hargeysa (Dawan) – Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysanayso dib u dhiska mudada dhow iyo mudada dheer ee suuqa Waaheen ee Hargeysa oo 1-2 April uu dabaabiiyay.
Qoraalka Qaramada Midoobay oo lagaga warbixiyay socdaal uu ku-xigeenka Wakiilka xoghaya Qaramada Midoobay, ahna isu’duwaha Qaramada Midoobay iyo xidhiidhiyaha arrimaha Bani’aadanimo Adam Abdelmoula, ku tagay Hargeysa, ayaa lagu yidhi “Qaramada Midoobay waxa ka go’an in ay taageerto dib-u-dhiska muddada dhaw, muddada dhexe iyo muddada fog”.
Adam oo booqasho ku tagay suuqa Waaheen ee gubtay, ayaa sheegay in uu soo arkay xaalad burbur ah oo niyad jabisay, waxaanu sheegay in burburka suuqa soo gaadhay aanu ahayn mid la malayn karo, sida Qaramada Midoobay sheegtay.
“Markii aan maanta arkay burburka uu sababay dabkii ka kacay suuqa Waaheen waxay igu noqotay xaalad adag oo niyadjab leh.
Heerka burburka uu gaadhay iyo saamaynta uu ku yeeshay dadka iyo dhaqaalaha, si dadban iyo si toos ahba, maaha wax la malayn karo, si ba’an ayuu magaalada u saameeyey” ayuu yidhi Adam.
Qiimaynta wadajirka ah
Booqashada mudane Abdelmoula ayaa daba socotay booqasho toddobaad qaadatay oo ay ku tageen koox khubarro ah oo ka socday Qaramada Midoobay, kuwaas oo la shaqaynayay mas’uuliyiinta Somaliland iyo guddiga gurmadka dabka, si ay u qiimeeyaan taageerada deg degga ah, xilliga dhexe iyo muddada fog ee loo baahan yahay si loo caawiyo dadka uu dabku saameeyay.
Kooxda Qaramada Midoobay waxaa ka mid ahaa shaqaale ka kala socday sagaal hay’adood oo Qaramada Midoobay ah, sanduuqyo iyo barnaamijyo, barnaamijka horumarinta QM (UNDP), UN-Habitat, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO), ururka shaqaalaha caalamiga ah (ILO), UN Women, Ururka caafimaadka adduunka (WHO). WHO), Sanduuqa horumarinta Ra’samaalka ee QM (UNCDF), Hay’adda Socdaalka adduunka (IOM), xafiiska guddoomiyaha sare ee Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha (OHCHR) iyo hawlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Qiimayntan hordhaca ah ee wadajirka ah ayaa loogu soo bandhigay deeq bixiyayaasha caalamiga ah kulan ka dhacay Nairobi todobaadkii hore.
Kooxda Qaramada Midoobay iyo bahwadaagteeda ayaa sii wada xog-ururinta, iyagoo sidoo kale si wada jir ah warbixin qiimayneed faahfaahsan ugala shaqeynaya saaxiibada Somaliland.
Muddo gaaban ilaa muddo dheer
Isu’duwaha Qaramada Midoobay ayaa intii uu Hargeysa ku sugnaa waxa uu kulan la qaatay wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Cumar Cali Cabdillaahi, oo ay ka wada hadleen taageeradaasi.
Waxa uu u soo jeediyay Qaramada Midoobay kaalmo farsamo oo ku saabsan qaabaynta iyo dib-u-dhiska goob suuqeed cusub oo ammaan ah.
“Muddada dhexe, waxaan sii wadi doonnaa iskaashiga dawladda dhexe iyo dawladda hoose si loo arko in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysanayso talooyinka farsamo ee looga baahan yahay naqshadaynta suuqa dabka iska caabbin kara, casri ah oo waafqasan heerarka badbaadada ee ugu wanaagsan,”Ayuu yidhi mudane Abdelmoula.
Waxa uu intaa ku daray in suuqan cusub sidoo kale noqon doono mid deegaan ahaan u wanaagsan, oo ay geli karaan dadka naafada ah, iyo dhismooyin u gaar ah haweenka, iyadoo sidoo kale lagu dari doono hiddaha iyo dhaqanka deegaanka.
Sidoo kale dadaallada soo kabashada muddada dhexe iyo mudada fog, mas’uulka sare ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dib-u-dhiska suuqani uu wax badan ka tari doono casharrada laga bartay in looga faa’iidaysto qaybaha kale ee magaalada Hargeysa.
“Tani waxay fursad u tahay dib-u-fikiridda ma aha oo kaliya in dib loo dhiso si ka sii wanaagsan, laakiin sidoo kale in la eego suuqyada kale, oo aan fahamsanahay inay si isku mid ah u yihiin saxmad, iyo sida aan u waasicin karno, sidee ayaan uga faa’iideysan karnaa fursadan si aan wax u wanaajino oo aan sidaas u sameyno.
Si loo xaqiijiyo badbaadada, balse sidoo kale waaritaanka si loogu daro dhaqamada ugu wanaagsan,” ayuu yidhi Md. Abdelmoula.
Marka la eego taageerada deg-degga ah ee dheeraadka ah, waxa uu tilmaamay qorshaha soo kabashada si wax looga qabto baahiyaha dadka ugu nugul ee uu saameeyay dabka, kuwaas oo ay ay ka mid yihiiin, kuwa maalinlaha ah mushahar qaata, mulkiilayaasha ganacsiga yar yar, guryaha ay haweenku madax u yihiin, dadka gudaha ku barakacay, dadka naafada ah, qaxootiga iyo kooxaha laga tirada badan yahay.
“Kuwaas, ilaa hadda, waa kuwa ugu badan ee ay saameysay, markaa sida ugu dhakhsaha badan aan u hubinno tirada iyo xogta la kala saarayo, waxaan si dhow ula shaqeyn doonnaa dawladda si aan u aragno in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysato yareynta dhibaatada aadka u saameysay,”Ayuu yidhi Md. Abdelmoula,
Dhanka kale waxa uu xusay in dawladdu ay lacag caddaan ah siin jirtay qaar ka mid ah dadka aadka ugu baahan.
Intii uu Hargeysa joogay, waxa uu mas’uulka sare ee Qaramada Midoobay la kulmay ku xigeenka duqa Hargeysa, Khadar Axmed Cumar, iyo xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka, iyo sidoo kale xubno ka tirsan guddiga gurmadka.
Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa mudane Khadar Axmed Cumar, ayaa ka hadlay qadarka lacagta ilaa hadda ay hayaan.“Guud ahaan khasaaraha hantiyeed iyo khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Waaheen, ayaa lagu qiyaasay inta u dhexeysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo dollar.
Ilaa hadda waxa na soo gaadhay wax ka yar 20 milyan oo dollar, markaa waxaan caalamka ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan dib u dhiska suuqa iyo sidoo kale in la taageero cid kasta oo hanti ka baxday,”
Waxa uu intaas uu ku daray in liiska la soo gaba’gabeeyay ay ku dhow yihiin 5,000 oo qof oo loo aqoonsaday inay yihiin dhibbanayaal ku hanti beelay dabka, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo badan oo ay saamaysay kuwaas oo ka shaqayn jiray goobo ganacsi oo ku yaalla suuqa.
Suuqa Waaheen ayaa marka laga yimaaddo dhinaca nolosha kumannaan qof oo deegaanka ah, waxa uu ahaa il dhaqaale oo aad u badan oo ka soo gala dawladda hoose ee Hargeysa, iyo sidoo kale dakhliga guud ee dawladda.
Rugta Ganacsiga, wershadaha iyo beeraha ee Somaliland ayaa ku qiyaasay in dabku uu 40 ilaa 50 boqolkiiba dhaqaalaha magaalada uu burburiyay.
Sida laga soo xigtay guddiga gurmadka Somaliland ee loo aasaasay in uu horseed u noqdo gurmadka degdegga ah iyo qorshaynta dib-u-dhiska suuqa, badeecadaha badan ee baaba’ay ayaa sababay yaraanshaha iyo sicir-bararka Hargeysa.
Adam wuxu sheegay in dib-u-dhiska suuqa Waaheen ee Hargeysa aad muhiim u yahay, sidoo kalena ay muhiimad weyn leeyihiin qorsheyaasha ka-soo-kabashada si wax looga qabto baahiyaha dadka ugu nugul ee dabku saameeyey, ayaa lagu soo gaba gabeeyay qoraalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Adam wuxu sheegay in dib-u-dhiska suuqa Waaheen ee Hargeysa aad muhiim u yahay, sidoo kalena ay muhiimad weyn leeyihiin qorsheyaasha ka-soo-kabashada si wax looga qabto baahiyaha dadka ugu nugul ee dabku saameeyey, ayaa lagu soo gaba gabeeyay qoraalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.