Xildhibaan Maxamed Rambo: Garab ay warbaahintu heshay

0
763

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) horaantii sanadkii 2000, ahna dhamaadkii 90aadkii ayuu soo galay Warbaahinta Madaxa banaan isaga oo xilligaasi isku waday waxbarashada iyo Mihnadan.

Waxa uu ka soo shaqeeyay Mareeg la odhan jiray SNN iyo Wargeyskii Guunka ahaa ee Jamhuuriya.

Markii uu in muddo ah ka soo shaqaynayay Wargeyska Jamhuuriya ayaa waxa uu aasaasay Wargeyska Geeska afrika oo ka mid ah kuwa loogu akhriska badan yahay.

Maxamed Xuseen Jaamac oo sanadkii Tagay ee 2021 bishii May 31keedii ku soo baxay doorashadii golaha wakiiladda, intii uu warbaahinta ku soo dhex jiray waxa uu sheegay in aan habeena loo xidhin war uu baahiyay.

Waxa uu door laxaad leh ka qaataa u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Saxafiyiinta Somaliland, waxaanu hadda ku guulaystay in 15kii Saxafi ee xidhnaa uu 12 ka mid ah ka shaqeeyo sidii loo sii dayn lahaa.

Dhamaanba wariyeyaashii Xorriyadooda dib u helay ayaa uga mahad celiyay dedaalka ay isaga iyo saaxiibadii la yimaadeen.

Leave a Reply