”Cabdirxmaan Cirro Maaha In Uu Siyaasad Ka Baadho Taliyaha Lagu Dhaawacay Baki isagoon soo Booqan”

0
465

Hargeysa (Dawan) Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa jawaab ka bixiyay hadallo deel-qaaf ah oo ka soo yeedhay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro).

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo shalay Warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cirro ka hadlay wax aanu xogogaal u ahayn, waxaana uu intaasi ku daray in Xisbiga Waddani caadaystay in uu wax ka sheego Ciidamada.

Cabdinaasir Buuni oo ka jawaabayay hadalo ka ka soo yeedhay Xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka hadlay dhacdo ka dhacday Degmada Baki ee Gobalka Awdal oo lagu dhaawacay taliye ku Xigeenkii qaybta Booliska ee Gobalka Awdal, dambigaa dhacay waxa ka dhalanaya in baadhis la sameeyo ciddii dambi yeelatana lagu qaado dadka xidhani waa dad ku eedaysan dambiyo dhacay”.

Sidoo kale Buuni ayaa waxa uu sheegay in Musharax Cirro ka baaqsaday in uu soo eego Taliye ku Xigeenka qaybta Booliska ee Gobalka Awdal ee dhaawacmay, waxaanu yidhi “Waxa aan ka xumahay in Cabdiraxmaan Cirro ka baaqsado in uu soo eego Taliye ku Xigeenka qaybta Booliska ee Gobalka Awdal ee dhaawacmay, waxaana uu ka hadlay Cabdiraxmaan Cirro wax aanu xogogaal u ahayn. shalay ayay u kala abtirinayeen dadkii masiibada ku dhacday ee Suuqa Waaheen Maanta waxa aad u kala abtirinayaan deegaamada Somaliland, waxa uu maalin kasta la soo istaagaa Xisbiga uu gabalkiisu sii dhacayaa ee Waddani wax aan u cuntamayn Umadda Somaliland, waxaana caado u noqotay Xisbiga Waddani wax ka sheega Ciidamada Somaliland”, ayuu yidhi Cabdinaasir Buuni.

 

 

 

Leave a Reply