Xukuumadda oo Mucaawimo Gaadhsiisay Qoysas Danyar ah

0
444

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka iyo ka-hortagga aafooyinka, ayaa raashin mucaawimo gaadhsiisay bulshooyin danyar ah oo ku dhaqan gobolada Maroodi-jeex, Sool iyo Badhan, iyadoo usbuucyadii la soo dhaafayba ay hay’addu  dalka ka waday gurmad lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha kale ee dabeeciga ah, sida dabkii ka kacay Suuqa Waaheen oo dadkii ku baro-kaca laba boqol oo kamida shalay loo qaybiyey Raashin.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cadaaladda JSL Md. Mahdi Cismaan Buuri iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, ayaa shalay raashin u qaybiyey laba boqol oo qoys oo kamida dadkii danyarta ahaa ee ka shaqaysan jiray suuqa Waaheen oo ku dhaqan Xaafada Daami iyo hawl-wadaag.

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale, ayaa uga mahad-celiyey kaalmadaasi madaxweynaha iyo Hay’adda Kaydka raashinka Qaranka gurmadka deg dega ah ee loo fidiyey dadkan danyarta ah ee ku caydhoobay gubashadii suuqa, iyadoo ay qaar kamida dadka wax la gaadhsiiyeyna sidoo kale u mahad-naqeen madaxda xukuumadda ku metesha iyo hay’addaha kale ee qaranka ee mucaawimada ugu soo dhiibay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Badhan iyo xubno ka socda hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka ayaa magaalada Badhan ka bilaabay raashin mucaawimo ah oo loogu talo galay kun qoys oo kamida danyarta gobolkaasi, kuwaasoo ku kala nool degmooyinka Badhan, Dhahar iyo Laas-qoray.

Qaybinta deeqdan oo laga bilaabay tuulooyin hoos-yimaada degmada Badhan, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Badhan Maxamuud Xaamud Cumar, maamulka dawladda hoose ee degmada Badhan iyo waxgaradka deegaankaasi.

Odayaasha Deegaanka Aargeeti oo kamida degmada Badhan, ayaa ka mahad-naqay mucaawimada la soo gaadhsiiyey, waxaanay halkaasi ku guddoomeen raashin dhamaystiran oo loogu talogalay 140 Qoys.

“waxa na soo gaadhay 140 Qoys raashinkood, waanu uga mahad-celinaynaa guddida abaaraha mucaawimadan, laakiinse waxaan sheegaynaa way kala badan yihiin baahida halkan taalla iyo mugga mucaawimada na soo gaadhay, sidaas darteed waxaanu ka codsanaynaa guddida abaaraha JSL in naloo soo kordhiyo”ayuu yidhi mid kamida Odayaasha deegaanka Aargeyta oo halkaasi ka hadlayey .

Dadka taakulada loo qaybiyey ee gobolka Badhan ayaa ah kamida bulshada reer guuraa ah ee halkaasi ku dhaqan oo ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolada dalka, gaar ahaan kuwa bariga oo ugu sii daran.

masuuliyiinta maamulka Dawladda ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Xukuumadda gurmadka loogu dhiibay bulshada tabaalaysan ee gobolkaasi.

Geesta kale, guddida Abaaraha ee gobolka Sool ayaa  gurmad biyo-dhaamis ah gaadhsiiyey degmada Boocame oo dhacda soohdinta Somaliland iyo Soomaaliya ee gobolka Sool, halkaasoo ay ka jirto abaar u daran dhinaca Biyuhu.

masuuliyiinta guddida Abaaraha ayaa shacbigu si weyn u soo dhaweeyeen taakulada ay u geeyeen, iyagoo xukuumadda sare iyo laamaha gobolkaba ka mahad-sheegtay dedaalka ay ugu gurmadeen xaalada abaareed ee soo waajahday.

 

 

 

 

Leave a Reply