Chelsea oo ka Dagaallamaysa inay Arsenal ka Jabiso Rikoodh 29 Sannadood Yaallay

0
290

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa Arbacada waajahaysa Arsenal oo ay isku magaalo yihiin, waxaanay ka dagaallami doontaa sidii ay uga badbaadi lahayd in laga jabiyo rikoodh yaallay muddo 29 sannadood ah oo soo bilaabmay sannadkii 1993kii.

Chelsea oo toddobaadkan iska xaadirisay finalka FA Cup oo ay badhtamaha bisha dambe wada ciyaari doonaan Liveprool, ayaa waxay halgan u geli doonaan sidii ay guul uga soo hoyn lahaayeen ciyaarta Arsenal ee Arbacada.

Blues oo kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka Premier League waxay shan dhibcood ka horreysaa Tottenham oo kaalinta afraad fadhida, haddiise laga adkaado waxay kaliya horreyn doonaan hal dhibic inkasta oo ay haystaan hal ciyaar oo baaqi u ah.

Kaddib markii ay Chelsea guul-darrada 4-1 kala kulantay Brentford, waxa saluug laga muujiyey ciyaartooda, waxaana u raacday Real Madrid oo 3-1 ku karbaashtay, waxaanu garoonkooda Stamford Bridge noqday meel loosoo shaqo tago.

Haddii Chelsea ay guul-darraysato oo ay Arsenal garaacdo Arbacada, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay muddo 29 sannadood ah ee saddex ciyarood oo isku xiga lagaga badiyo Stamford Bridge dhamaan tartamada.

Arsenal oo iyadana saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga badiyey, ayaa waxay ogtahay in haddii ciyaartan ay guuleysan waayaan, in ay macasalaamayn doonaan kaalinta afraad oo ay si dhab ah uga quusan doonaan, waxaana Mikel Arteta iyo xiddigihiisu ay nafta dul-dhigi doonaan sidii ay guul uga keeni lahaayeen ciyaartan.

Leave a Reply