Tartanka Loogu Jiro Kabta Dahabka eh ee Qaaradda Yurub oo Meel Xasaasi ah Maraya

0
602

Tartanka loogu jiro kabta dahabka ah ee gool-dhalinta qaaradda Yurub ee xilli ciyaareedkan ayaa meel xaasaasi ah maraya, waxaana uu sii xoogaystay markii uu weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema uu goolka guusha u dhaliyey kooxdiisa kulankii Sevilla ee Axaddii.

Xiddigaha la filayo inay ku tartamaan kabta dahabka ah, waxay intooda badani yihiin kuwa loo saadaalinayo inay noqonayaan tartameyaasha abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or, sida Karim Benzema, Robert Lewandowski iyo Kylian Mbappe.

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa hoggaaminaya tartanka kabta dahabka ah oo haysta 64 dhibcood, isaga oo dhaliyey 32 gool oo horyaalka Bundesliga ah, waxaanu u muuqdaa in aanay cidina ku qabsan doonin kabta dahabka ah.

Karim Benzema oo Real Madrid ah ayaa isaguna  haysta 50 dhibcood iyo 25 gool, halka Ciro Immobile oo Lazio u ciyaara uu isaguna la mid yahay Karim Benzema, hase yeeshee Kylian Mbappe iyo Mohamed Salah ayaa ku kala jira kaalmaha lixaad iyo siddeedaa.

Mbappe ayaa waxa uu dhaliyey 21 gool oo horyaalka Ligue 1 ah, waxaanu hoggaaminayaa gool-dhalinta horyaalka, hase yeeshee Salah oo isaguna hoggaaminaya goolasha Premier League ayaa dhaliyey 20 gool.

Halkan kaga bogo 25ka ciyaartoy ee ku tartamaya kabta dahabka ah

25- Cristiano Ronaldo (Manchester United)

Gool ayuu dhaliyey: 15 |   Dhibcaha uu haysto: : 30

24-m Sebastien Haller (Ajax)

Gool ayuu dhaliyey: 20 |   Dhibcaha uu haysto: : 30

23- Aleksandar Katai (Red Star Belgrade)

Gool ayuu dhaliyey: 20 |   Dhibcaha uu haysto: : 30

22- Giovanni Simeone (Hellas Verona)

Gool ayuu dhaliyey: 16 |   Dhibcaha uu haysto: : 32

21- Anthony Modeste (FC Koln)

Gool ayuu dhaliyey: 16 |   Dhibcaha uu haysto: : 32

20- Michael Frey (Royal Antwerp)

Gool ayuu dhaliyey: 22 |   Dhibcaha uu haysto: : 33

19- Marko Livaja (Hajduk Split)

Gool ayuu dhaliyey: 22 |   Dhibcaha uu haysto: : 33

18- Veton Berisha (Viking FK)

Gool ayuu dhaliyey: 22 |   Dhibcaha uu haysto: : 33

17- Ricardo Gomes (FK Partizan)

Gool ayuu dhaliyey: 22 |   Dhibcaha uu haysto: : 33

16- Christopher Nkunku (RB Leipzig)

Gool ayuu dhaliyey: 17 |   Dhibcaha uu haysto: : 34

15- Heung-min Son (Tottenham Hotspur)

Gool ayuu dhaliyey: 17 |   Dhibcaha uu haysto: : 34

14- Erling Haaland (Borussia Dortmund)

Gool ayuu dhaliyey: 18 |   Dhibcaha uu haysto: : 36

13- Deniz Undav (Union Saint-Gilloise)

Gool ayuu dhaliyey: 25 |   Dhibcaha uu haysto: : 37.5

12- Darwin Nunez (Benfica)

Gool ayuu dhaliyey: 25 | Dhibcaha uu haysto: : 37.5

11- Wissam Ben Yedder (AS Monaco)

Gool ayuu dhaliyey: 19 |   Dhibcaha uu haysto: : 38

10- Martin Terrier (Rennes)

Gool ayuu dhaliyey: 19 |   Dhibcaha uu haysto: : 38

9- Thomas Lehne Olsen (Lillestrøm SK)

Gool ayuu dhaliyey: 26 |   Dhibcaha uu haysto: : 39

8- Mohamed Salah (Liverpool)

Gool ayuu dhaliyey: 20 | | Dhibcaha uu haysto: : 40

7- Patrik Schick (Bayer Leverkusen)

Gool ayuu dhaliyey: 20 | Dhibcaha uu haysto: : 40

6- Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)

Gool ayuu dhaliyey: 21 | Dhibcaha uu haysto: : 42

5- Dusan Vlahovic (Juventus)

Gool ayuu dhaliyey: 23 | Dhibcaha uu haysto: : 46

4- Ohi Omoijuanfo (Red Star Belgrade)

Gool ayuu dhaliyey: 33 | Dhibcaha uu haysto: : 49.5

3- Karim Benzema (Real Madrid)

Gool ayuu dhaliyey: 25 | Dhibcaha uu haysto: : 50

2- Ciro Immobile (Lazio)

Gool ayuu dhaliyey: 25 | Dhibcaha uu haysto: : 50

1- Robert Lewandowski

Gool ayuu dhaliyey: 32 | Dhibcaha uu haysto:  64

Leave a Reply