Cunista kallauunka oo cuntada kale la dheeraysiiyo ama si joogto ah wuu aadamaha ka kaabaa ama uu ka hortagaa, gaar ahaan saliiddiisu xanuunno sababa cudurada dhimirka iyo qaar kale oo khatar badan sida ay daraasad ku sheegeen khubaro caalami ahi.
Khubaradan ayaa daraasad ay wadeen muddo saddex bilood ah ayaa waxay ku ogaadeen in cilmi-baadhistaas iyo maalin walba oo uu qofku isticmaalo ama cuno hilibka kalluunka ay sii yaraanayso khatarta ay sababi karaan xanuunnada ku dhaca dhimirku, gaar ahaan dadka dhalinyarada ah, isla markaana khubaradan oo kaashanayay dhakhaatiir ku takhasusay cudurada maskaxda ayaa sheegay in daraasaddaas samaynteeda todoba sanno ka dib ay qiimayn ku sameeyeen dadkii isticmaalayay kalluunka.
Natiijooyinkaas waxay muujiyeen oo ay saareen baadhitaannadaas in dadka dhalinyarada iyo dadka waaweynba ay saamaynayso faa’iidada ah in kalluunku ka hortago xanuuno halis ah gaar ahaan xanuunka ku dhaca dhimirka ama waalidda, waxaanay khubaradaas si gaar ah ugu taliyeen in la joogteeyo isticmaalka kalluunka iyo guud ahaan cuntada baddda.
Paul Amminger oo ka mid ah jaamacadda dalka Australia ee magaalada Melbourne sheegay waxa uu sheegay in sannadkii 2010-kii inay saliidda kalluunka ay dadka u siiyeen saddex bilood kaabsool ahaan, taasoo maalin maalinta ka dambaysa muujinaysay sida ay ka hortag ugu tahay cudurrada waallida ee dhallinyarada iyo dadka waaweynba ee da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 24, kuwaasoo tijaabadu muujisay inay ka fogaanayaan halista cudurada dhimirka ku dhaca, isla markaana maskaxdoodu ay si wanaagsan u samaynaysay koriin ka badan kii caadiga ahaa. Toddoba sannadood oo uu khabiirkaasi sheegay inay eegeen in ka badan 71 ilaa 81 qof oo ka qaybgalay tijaabadaas ay muujisay in saamaynta ka fogaanshaha inuu ku dhaco cudurka dhimirku ay soo ifbaxday.
Sidoo kale qoraal ay saynisyahano xeel-dheere ku baahiyeen shabakada Nature Communications, ayay ku sheegeen in 4 ka mid ah 41-kii qof ee dadka isticmaalay saliidda kalluunka ee loo qaabeeyay sida kaabsoolku ay saamayn ku yeelatay xanuuno la xidhiidha dhinaca dhimirka, markii lagu tijaabiyay muddo saddex bilood ah, isla markaana la hubiyay todoba sannadood ka dib.
Qaadashada ama isticmaalka kaabsoolka saliidda kalluunka waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagula tacaali karo xanuunnada saameeya maskaxda, waxaanay gaar ahaan u fiican tahay da’yarta oo ay ka caawiso koritaanka maskaxda, iyadoo la sheegay inay ku fiicnaadaan dhinaca waxbarashada iyo aqoonta guudba.
Schizophrenia waa mid ka mid ah xaaladaha ugu badan ee saameeta caafimaadka maskaxda, isla markaana halis ah. Mid ka mid ah 100-kii ee ku nool dalka Ingiriiska waxa lagu arkay calaamadaha xanuunkaas, taasoo ay dhakhaatiirtu sheegeen inuu dawo ka yahay kaabsoolka saliidda kalluunku, xanuunkan ayaa inta badan saameeya dadka da’doodu u dhexayso 15 ilaa 35.
“Schizophrenia waa xanuun halis ah oo sababa, isla markaana naafeeya qaybo ka mid ah maskaxda aadamaha, laakiin daaweyntiisa ayaa lala xidhiidhyay in natiijo wanaagsan ay noqotay, ka dib markii lagu eegay saliidda kalluunka, taasoo wax lagu guulaystay.”Amminger u sheegay The Guardian.
Wuxu qabaa, in omega-3 dufannada acids dufanka leh (PUFAs) waxay noqon kartaa hab-dhaleeceynta xor ah oo muddo dheer ah si looga hortago psychosis in dhallinyarada ayaa ugu qatar badan, iyadoo waxyeelo yar ah.
acids Omega-3 dufan leh ayaa lagama maarmaan u ah horumarka maskaxda oo caafimaad qaba iyo shaqada, iyo la’aanta ah oo ka mid ah in cunto ayaa lala xiriirinayay in xaaladaha kala duwan ee caafimaadka maskaxda. “Cunista kalluunka oo dheeraad ah ma aha oo kaliya laga yaabaa inay u fiican tahay caafimaadka jirka, laakiin sidoo kale for caafimaadka maskaxda,” ayuu yiri Amminger.
In 2006, saynisyahano u shaqeeya iskaashiga Cochrane dib cilmi daabacay on iman kara ee saliida kalluunka si looga hortago schizophrenia oo ku dhawaaqay natiijada aan dhammeystirneyn. Waxay on inuu u soo yeedho waxbarashada weyn leh bukaan dheeraad ah. Amminger isku raacay in uu natiijooyinkii ugu dambeeyey u baahan tahay in laga dabakho in kooxaha waaweyn opf dadka ka hor wax hanuun adag la siin karaa.
Clive Adams, editor isku-dubbaridid of Schizophrenia Group Cochrane ee Nottingham University ayaa sheegay in baadhitaanka loo baahan yahay in la tixgeliyo garab tijaabooyin kale oo la daabacay on saamaynta omega-3 saliidaha, laakiin intaa ku daray in ay ahayd goobtii ah tijaabooyin cusub oo ku saabsan daaweynta ah. “Wadada daaweynta dadka qaba schizophrenia waa sharraxay.Gabdhaha ujeedooyinka badan oo wanaagsan oo waagu been ah. waxbarasho Tani waa muhiim, dadaaleen by madaxda duurka ku, laakiin waxa aanu cadeyn ku filan oo xoog leh oo dhab ahaantii la beddelo dhaqanka, “.