Wariye Germany oo xoriyadiisi Dib u helay

0
356

Hargeysa (Dawan) Wariye Cabdisalan Maxamed Cawed Germany ayaa maanta xoriyadiisii dib loogu soo celiyey kadib dadaal dheer oo uu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka sameeyey sidii uu xoriyadiisa dib ugu helilahaa.

Wariye Germany oo la xidhay 03 April, 2022 ayaa muddo 17 maal-mood ah ku xidhnaa xarunta Sirdoonka gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa.

Soo daynta wariyahan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalintik shalay 12 wariye xariyadoodii dib loogu soo celiyay.

Leave a Reply