Wasiirka biyaha oo xadhiga ka jartay laba ceel biyood oo laga hiregliyay magaalada Burco.

0
413

Burco (Dawan) Wasiirka horumarinta biyaha Soomaaliland Cali Maxamed Xasan, ayaa xadhiga ka jaray ceel biyoodyo laga hirgeliyay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wakaalada biyaha ee magaalada Burco, ayaa fulisay mashaariicda laga hirgaliyay,.

Maareeyaha wakaalada biyaha Burco Sakariye Cabdiraxmaan ayaa sheegay in 20 ceel biyood ay qoteen, balse kan imika ay uu baanku u maageliyay. “Hadda waxa aynu tageyna ceel biyoodkii 20-aad oo wakaaladu qodatay, isla markaana ay tahay markii koobaad ee ceel uu u maalgeliyo baanku.

Markii hore qorshaha waxa noogu jiray saddex ceel, solar, iyo beebabkaasi hadda la keenay ee aad wada aragtaan”

Wasiirka biyaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta dhanka biyaha.“Maanta waxa ILLAAHEY inagu simay dawladdnimadeeni iyo hantideeni hay’addihii dawladdu isku maalgelinayaan, wakaaladda biyahuna si habsami leh ayay lacagta isaga bixisa, ceelka dhawaan uunba la dhagax dhigay balse ALLE mahadii manta waynaga xadhiga ka jarayna”

Leave a Reply