Daraasad la soo saaray 2013 bishii June ayaa cadaysay in qofka inta xaasidka ay maskaxdiisu ku soo dayso dhiig badan qaybaheeda firfricoon ee hawlaha kala wada. Taasi oo maskaxda dhib ku keenta iyadoo haddii ay caado noqota hawl qabadkeeda yaraysa isla markaana cimrigeeda soo gaabisa .
Xasadku waa qofka oo jeclaada nicmada ama wanaagga qof kale haysto inay ka tagto xataa haddii aanu isugu helayn. Qofka Xaasidka ahina waxaa uu necbeystaa marka uu arko qof Allah (sw) nicmo siiyay sida cilmi, qurux, mansab iyo maal.
Rasuulkuna (scw) wuxu xadiis ku yidhi: “ Qofka kuma kulmaan Iimaan iyo xaasidnimo” xasadkuna waxa uu marka hore ka bilaabma qof keliya, waana uu fidaa deegaan, shaqo, urur iyo dalba. Waxaana dabada ka riixaya oo taageera shaydaanka.
Waayo isaga ayaa ugu horeeyay cid xaasid la timaada, waana dhaqanka Ibliis kaasi oo xaasiday Nebi Aadam markii Allah (sw) ku amray inuu u sujuudo.