Werwerka Dulmiga Aad Gasho!

0
283

Elizabeth Bwalya Mwewa oo ahayd umuliso ka shaqaysa Isbitaalka dhalmada ee dalka Zambiya laguna magcaabo University Teaching Hospital in Zambia ayaa qiratay inay gef weyn samaysay mudadii ay ahayd umulisada iyadoo isku bedeshay 5000 oo caruur ah oo ay u kala bedeli jirtay qoysaska.

Umulisadan ayaa cadaysay inay ujeedada ay ka lahayd ay ahayd keliya iyadoo arinkaasi ku raaxaysan jirtay kuna nefsi jirtay mudadii u dhaxaysay 1983 ilaa 1995 oo gaadhaysay 12 sano.

Gabadhan oo wakhtigan la il daran xanuunka Kansarka ayaa sheegtay inay qirashadaasi ay doonayso inay kaga yaraato dhibaatda xanuunka ee haysata ka dib markii loo sheegay inay u dhiman doonto cudurkaasi.  Waxaana ay u sheegtay dadkii caruuri ugu dhalatay mudadaas Isbitaalka inay tagaan oo DNA ka qaadaan oo isu bedelaan caruurta ay isku khaladay. Waxaana ay ka codsatay dadka Zambiya inay ka cafiyaan denbiga shaydaanimda ah ee ay gashay.

 

 

 

Leave a Reply