Nairobi (Dawan)-Warsidaha caanka ah ee The East African ee dalka Kenya ayaa daabacay madaxda gobolka bariga Afrika ee dawladda Kenya ka soo tacsiyadeeyey geerida madaxweynihii saddexaad ee dalkaasi Mwai Kibaki oo shalay ku geeriyooday Nairobi. Waxana madaxdaas ka mid ahaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo xili horeba dhambaalkiisa tacsida ah gaadhsiiyey dawladda Kenya.
Wakaaladda Wararka ee SOLNA ayaa soo xigatay Wargeyska The East African oo daabacay in Madaxweyneyaasha dalalka Uganda, Tansania, Burindi iyo JSL ay shacbiga iyo dawladda Kenya la qaybsadeen murugada iyo tacsida geerida Mwai Kibaki oo ay ku tilmaameen hoggaamiye kaalin weyn ka geystay horumarinta dhaqaalaha Kenya.
Wargeysku wuxuu soo qaatay dhambaalkii Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uu ugu baroor diiqay dawladda iyo shacbiga Kenya, isla markaana uu ku caddeeyey in shacbiga Somaliland ay la dareen yihiin ummadda reer Kenya.
Wargeyska The East African wuxuu intaas ku daray in Xafiiska Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi uu dhambaalka Madaxweyne Muuse Biixi gaadhsiiyey qoyska Mwai Kibaki iyo dawladda Kenyaba.