Barnaamij Qaadhaan loogu Ururinayey Suuqa Waaheen oo lagu Qabtay Hargeysa

0
654

Hargeysa (Dawan) -Barnaamij qaadhaan loogu ururinayo dadkii ku caydhoobay suuqii gubtay ee Waaheen ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, kaasi oo si toos ah uga baxay Telefishanka Qaranka, idaacadda Radio Hargeysa iyo toban Telefishan oo kale.

Barnaamijkaas waxa dadweynaha qaadhaanka ku yaboohayey ay kaga qaybgaleen khadka Telefoonka.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta mudaen Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo furay barnaamijkaas ayaa sheegay  in masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen ay sababtay in qof taajir ahaa uu maalintii hantidiisu gubteen uu noqday qof sadaqadu ku baxayso oo aan waxba haysan.

Wasiir Saleebaan wuxuu ummadda muxsiniinta ah meel kasta oo ay joogaan ku booriyey inay ka qeybgalaan tacarucaadka lagu gargaarayo dadkii ku caydhoobay suuqa Waaheen. Waxaanu u mahadceliyey warbaahinta qaranka iyo 10 Telefishan oo ka shaqeeya Somaliland oo toos u tabiyey barnaamijkaas.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Farxaan Liibaan Axmed, Cabdiwahaab Maax iyo Ismaaciil Axmed Dayib oo ka mid ah guddida culimada iyo ganacsatada ee taakuleynta Suuqa Waaheen, waxaanay bulshada muslimiinta ah ugu baaqeen inay ku dedaalaan inay waxtaraan walaalahoodii ku hanti beelay suuqa Waaheen. Waxaanay balanqaadeen in wixii deeq ahi ay ku dhacayso gacmo ammaan ah isla markaana la gaadhsiin doono dadkii loogu talogalay.

Waxa kaloo ay sheegeen in dadka dibada lacagaha ka soo dirayaa ay dhammaan xawaaladuhu bilaash u yihiin.

Wasiirka diinta iyo awqaafta jsl oo ah guddoomiyaha guddida heer qaran ee madaxweynuhu u magacaabay taakuleynta suuqa Waaheen iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo xubin ka ah guddidaas, ayaa ummadda muxsiniinta ah ku guubaabiyey inay ku dedaalaan caawinta dadka ku tabaaloobay suuqa Waaheen, waxaanay sheegeen in lagu gudo jiro maalmihii u dambeeyey bisha Ramadaan oo sadaqada ay bixiyaan wax weyn u tarayso if iyo aakhiraba.

Leave a Reply