Xukuumadda Ingiriiska oo Loogu Baaqay Aqoonsiga Madax-bannaanida JSL

0
473

Xildhibaan Kim Johnson oo Xukuumadda Ingiriiska ugu Baaqday taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen ee Hargeysa

London (Dawan)- Xukuumada Ingiiriiska ayaa loogu baaqay inay aqoonsato madaxbanaanida Somaliland, isla markaana taageero ka geysato dib u dhiska suuqa Waaheen.

Fadhi baarlamaanka Ingiriisku shalay yeeshay ayaa xildhibaan Kim Johnson oo ka hadashay waxay tidhi, “Liverpool waxa ay in badan dhistay bulshada reer Somaliland oo ay aad uga xumaadeen markii uu dabku baabi’iyey suuqii Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Johnson ayaa raacisay hadalkeeda, “hadaba hogaamiyuhu ma sharaxi karaa sida ay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) u taageerayaan dib-u-dhiska Somaliland.

Sidoo kale, Xildhibaanadan oo laga soo doorto magaalada Liverpool ayaa hadalkeeda raacisay, “Shir-gudoonku ma ugu baaqi karaa Wasiirka Arrimaha Dibada in uu ka fiirsado in la siiyo aqoonsi diblumaasiyadeed si uu isbedel wanaagsan ugu keeno dalka.

Hadalka Xildhibaan Johnson ayey si toggan bulshada Somaliland guddo iyo dibed uga mahadcelisay, waxaanay Wasiir-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Rooda Jamac Cilmi tidhi, “Shacabka iyo dawladda Somaliland way uuga mahadcelinayaan Xildhibaan Kim Johnson, baaqeeda qaddiyadda aqoonsiga diblumaasiyadeed ee Somaliland oo muddo dheer dib u dhacday.”

 

 

 

Leave a Reply